Sarkaal katirsan Al Shabaab oo lagu dilay Howlgal ka dhacay Gedo

Image

BUURDHUUBO - Gudoomiyaha degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Ibraahim, ayaa sheegay in Sarkaal katirsan Al Shabaab lagu dilay howlgal gaar ah oo ciidamada dowladda ka fuliyeen gobolka Gedo.

Sarkaalka Al Shabaab oo aan magaciisa la sheegay ayaa ku dhintay Iska hor-imaad kooban oo mintidiinta iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray deegaanka Tima-cadde, oo ku dhaw degmada Buudrhuubo.

Gudoomiye Cabdiraxmaan ayaa xusay in sidoo kale Al Shabaab ay ka saareen deegaanka uu howlgalka ka dhacay, halkaasi oo uu sheegay inay kasoo abaabuli jireen weerarada ka dhaca Buurdhuubo.

Ma jiraan Illo madax-banaan oo xaqiijinaya hadalka Gudoomiyaha, iyadoo dhanka kale Al Shabaab aysan wax war ah kaoso saarin dilka hogaamiyahan ee ka dhacay gobolka Gedo.

Saraakiisha militariga Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay inay wadaan howlgallo Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka joogaan gobolka, oo dhamaan degmooyinkiisa hadda ay ku jiraan gacanta ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM