Sarkaal katirsan Al Shabaab oo lagu dilay Howlgal ka dhacay Gedo

Image

BUURDHUUBO - Gudoomiyaha degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Ibraahim, ayaa sheegay in Sarkaal katirsan Al Shabaab lagu dilay howlgal gaar ah oo ciidamada dowladda ka fuliyeen gobolka Gedo.

Sarkaalka Al Shabaab oo aan magaciisa la sheegay ayaa ku dhintay Iska hor-imaad kooban oo mintidiinta iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray deegaanka Tima-cadde, oo ku dhaw degmada Buudrhuubo.

Gudoomiye Cabdiraxmaan ayaa xusay in sidoo kale Al Shabaab ay ka saareen deegaanka uu howlgalka ka dhacay, halkaasi oo uu sheegay inay kasoo abaabuli jireen weerarada ka dhaca Buurdhuubo.

Ma jiraan Illo madax-banaan oo xaqiijinaya hadalka Gudoomiyaha, iyadoo dhanka kale Al Shabaab aysan wax war ah kaoso saarin dilka hogaamiyahan ee ka dhacay gobolka Gedo.

Saraakiisha militariga Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay inay wadaan howlgallo Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka joogaan gobolka, oo dhamaan degmooyinkiisa hadda ay ku jiraan gacanta ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM