Sarkaal katirsan NISA oo lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Sarkaal katirsan ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Somalia, ayaa lagu dilay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Dilka waxaa gaystay Koox dhalinyaro ku hubaysan Bastoolado, kuwaasoo sarkaalkaas ku weeraray Isgoyska Maana-boolyo Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Ninka la dilay oo aan ilaa hadda xilkiisa la shaacin ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Cali.

Lama oga sababta loo dilay, balse waxay qayb ka noqonaysaa dilalka qorshaysan ee inta badan lala eegto saraakiisha dowladda.

Marxuumka ayaa qayta kore jirkiisa looga dhuftay ilaa dhow xabadood, isagoo ku naf-baxay halka lagu weeraray.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilka Sarkaalkaas, balse waxaa loo badinayaa inay ka dambaysay kooxda Al Shabaab.

Maaha markii ugu horaysay weerar lagu qaado mas’uuliyiin katirsan NISA, waxaana dhowr jeer oo hore weerar noocaan ah loogu dilay shakhsiyaad kala duwan oo ku sugnaa Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM