Sarkaal katirsan NISA oo qarax loogu xiray baabuurkiisa

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax ayaa ka dhacay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia gaar ahaa, ka soo horjeedka Hotel Maka Al-mukarama oo ku yaalla wadada shaqaalaha ee caasimadda dalka.

Warar dheeraad ah oo laga helayo Qarax ayaa sheegay inuu ahaa miino baabuurkiisa loogu xiray Sarkaal katirsan Ciidamada NISA.

Sarkaalka la qarxiyay ayaa lagu magacaabaa, Cabdulqaadir Dinix, waxaana soo gaaray dhaawac sida ay GO u sheegeen dad  goob joogayaal ah.

Mid kamid ah goobaha caafimaadka Muqdishu ayaa xaaladiisa lagula tacaalayaa.

Qaraxa ayaa dhacay salaadii Maqrib kadib xilli wadada uu marayay baabuurka sarkaalkaas ay ahayd mid aad mashquul u ah.

Ciidamada katirsan dowaldda ayaa goobta soo gaaray weerarka kadib waxayna sameeyeen baaritaano kala duwan.

5-tii bishan ayay aheyd markii Cabdikariin Sheekh Maxamed oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Horseed uu ku dhaawacmay Qarax Miino oo Gaarigiisa loogu xiray, kaasoo waqtigaas marayay wadada Taleex ee Muqdishu.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, balse falalka noocaan ah waxaa gaysatay kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM