Sarkaal katirsanaa ciidamada Ethiopia oo isku-dilay Garbahaarey

Image

GARBAHAAREY, Somalia - Sarkaal katirsanaa ciidamada Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa inuu isku-daldalay saldhig military oo ku yaalla magaalada Garba-haarey, ee xarunta gobolka Gedo.

Cusmaan Nuur Xaaji, oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay Is-daldalaadda Sarkaalkan.

Wuxuu sheegay Cusmaan in sababta uu isku dilay Sarkaalkan oo magaciisa la shaacin inay ka dambaysay markii loo diiday inuu helo fasax uu dalkiisa ugu laabto, si qoyskiisa iyo caruurtiida usoo booqdo.

"Waxaa kuu xaqiijin karaa in Sarkaal katirsanaa ciidamada Ethiopia uu xalay isku dilay gudaha saldhigiisa magaalada Garbahaarey, waxaana sababta naloogu sheegay in Saraakiisha ka sareysa u diideen Fasax," ayuu yiri Cusmaan Nuur Xaaji.

Saraakiisha ciidamada Ethiopia ee gobolka Gedo wali wax fahfaahin ah kama aysan bixin Sarkaalka is-dilay, iyo sababta uu nafta isku-dhaafiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM