Sarkaal lagu xiray Kismayo iyo wararkii u dambeeyay

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Laamaha amaanka Jubbaland ayaa Xabsiga u taxaabey Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta maamulkaasi, kadib markii uu si kulul uga hadlay dil loo geystay Gabar Soomaaliyeed.

Dilkan loo geystay gabadhan, oo lagu magacaabi jiray Taysiir Food Maxamed Salaad ayaa ka dhacay todobaadkan magaalada Qabri-Dahar ee Ismaamul-goboleedka Soomaalida Itoobiya, kaasoo ay geysteen Ciidamada maamulka.

Caro badan ayuu dilka Taysiir ka dhex-abuur bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna ka dambeeyay kadib markii ay Hoygeeda kala baxeen ciidanka Liyuu Boolis, kuwaasoo dilay, islamarkaana inkiray inay khaarijiyeen.

Laakiin, baaritaano dheer kadib waxaa lasoo ogaaday kuna cadaatay in iyaga ay dileen Gabadha, inkastoo ay ku doodeen inay iyada ay is-dishay, hasa-yeeshee waxaa ugu dambeyn ku cadaatay inay si bareer ah u dileen.

Sarkaalka lagu xiray Kismaayo ayaa waxaa lagu maagcabaa Mukhtaar Bedal Goobse, iyadoona xarigiisa uu ka dambeeyay kadib markii uu Muuqaal uu iska soo duubay ku cambeereeyay falka dilka ah ee Taysiir loogu geystay Qabri-Dahar.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Sarkaalka ay u xireen inuu gudaha Kismaayo ku cambaareeyay, islamarkaana wax uu ka sheegay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, oo Axmed Madoobe xiriir fiican kala dhaxeeya.

Mukhtaar ayaa lagu xiray mid kamid ah Xabsiyadda Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland, mana la oga waxa ay ka yeeli doonaan, iyadoo dadka ehelkiisa ah ay walaac ka muujiyeen xarigiisa.

Maamulka Jubbaland ee uu majaraha u hayo Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay inuu cuburiyo dadka dhaliila, gaar ahaan Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta madaxa-banaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM