Sarkaal lala xiriiriyey Al-Shabaab oo lagu xukumay 15-sano xarig ah

Image
Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban karo rafcaan, sidda ay sheegtay Maxkamada Ciidamadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal oo ah 63 jir ah ku dhashay BaydhabO ayaa loo soo xiray in uu ka tirsanyahy Al-Shabaab Qeybta Amniyaadka una qaabilsanaa bixinta xogaha Ciidanka Xooga Dalka, waxaana laga soo qabtay gudaha Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Waxa uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo xilligii diiwaan gelinta Ciidamada ayaa loo helay xidig sax ah, waxaana cadaatay in inta kale uu iska saartay.

Caradii uu ka qaaday kedib waxa uu la xertay Al-Shabaab, sidda ay sheegeen xeer-ilaalin, waxaana hay’adaha barista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Ogaadeen "in Xidigle CabdiCasiis Xuseen Nuur Musral yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab".

Maxkamadda ayaa ugu danbeyn maanta go’aan ka soo saartay Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Habraacca Go’aan ka gaarista iyo dhamaystirka dacwad qaadistiisa ayaa soo socotay ilaa January 22-keedii Sanadkan. Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

GARSOOR + GO

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM