Sarkaal Muhiim u ahaa Kooxda Al Shabaab oo la diley

Image

BAYDHABO- Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamad ayaa sheegay in howlgal ciidamadda Darawiishta maamulka iyo kuwa xooga dalka ka sameeyeen qeybo kamid ah gobolka Baay ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab iyo Shan ilaalo u ahayd. 

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay Tuuladda Ufurow, ayuu lagu tilmaamay inuu ahaa mid qorsheysan, isagoo sarkaalka magaciisa ku sheegay Macalin Deerow, kaasoo uu carabka ku dhuftay inuu ahaa madaxii Jidgooyinka Al-Shabaab ee goboladda Baay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu wasiirka tibaaxay in Macalin Deerow uu ku dhintay iska hor-imaad dhex-maray ciidamadda duulaanka qaaday, iyo Dagaalyahanno hubeysan oo Al-Shabaab ah, kaasoo degaanka Ufurow ka dhacay, sida uu ka dhawaajiyay masuulka. 

"Howlgalka wuxuu ahaa mid waqti badan laga shaqeynayay. Alle ayaa mahad-san oo nagu guuleeyay kadib markii aan qaadnay [Jimcadii]. Waxaan ku dilay sarkaalkaas, iyo Shan kamid ah Ilaaladiisa," ayuu Wasiir Xasan usheegay warbaahinta maxaliga ah.

Faahfaahinada laga helayo howlgalkaan ayaa waxay intaas ku darayaan in Macalin Deerow uu sidoo kale hayey xilka Gudoomiyaha kooxda Al-Shabaab ee goboladda Baay iyo Bakool ee hoos-yimaada Koonfur Galbeed. 

Ma jiro illaa iyo haatan war rasmi ah oo ay Al-Shabaab kasoo saartay sheegashadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, oo ku aadan in laga dilay xubin Jago muhiim u hayey.

"Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Shacabka Koonfur Galbeed ayuu nafta u keenay [Macalin Deerow]. Waxaana ku amaanan ciidamadii howlgalkaan fuliyay, kuwaasoo ku dilay dhagar-qabaha, isaga iyo Shan ilaalo u ahayd iska hor-imaad dhex-maray ay la galeen ciidanka," ayuu Wasiirka ku daray hadalkiisa.

Dilka la sheegay in loo geystay madaxii Al-Shabaab ee Jidgooyooyinka gobolka Baay iyo Bakool, ayaa kusoo beegmaya xili caasimada Muqdisho ka socdaan qorshayaal wax lagaga badalayo amni sugidii magalada Muqdisho ay ka sameyn jireen ciidamada loo magac darey xasilinta.

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM