Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo "la dilay" [Magaca]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Sarkaal sare oo kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolada Jubooyinka ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamo Soomaaliya iyo kuwa Ajnabi ah, sida uu sheegay Taliska ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha Guutada 58-aad Ururka 11-aad, ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Gaashaanle Dhaxe, Cabdi Yare, ayaa daboolka ka qaaday in Shaqsiga ay dileen lagu magacaabi jiray "Aruuriyoow."

Wuxuu Taliyaha intaas ku daray in howlgalka ay ku khaarijiyeen Aruuriyoow, uu ka dhacay deegaannka Araare oo ku dhow degmada Jamaame oo 66-KM ku jirta magaalada Kismaayo, ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

"Howlgalkaan waxaa nagala qeyb qaatay ciidamo Mareykan ah, naga gacan siiyay dilka Aruuriyoow, oo ahaa sarkaal sare oo u qaabilsanaa dhanka cashuur qaadista," ayuu yiri Taliye Cabdi Yare.

Marka laga soo tago sheegashadda Taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliya ma aysan soo bandhigin caddeymo muujinaya inay khaarijiyeen sarkaalkaan Al Shabaab kamid ahaa, mana jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya.

Sidaasi si lamid ah, Al-Shabaab wali dhankooda wax war ah kama aysan soo saarin warka kasoo baxay Taliska ciidanka xooga oo ah in laga dilay sarkaal dhanka lacag qaadista u qaabilsanaa.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Ajnabi ah oo Mareykan iyo AMISOM ah, ayaa maalmihii dambe sare u qaaday howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab-ka ku sugan duleedka Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM