Sarkaalka CIA-da Mareykanka looga dilay Soomaaliya oo la aqoonsaday

Image

WASHINGTON, US – Sarkaalka CIA-da Mareykanka looga dilay Soomaaliya ayaa hayey shaqo aad muhiim ugu ah Washington, sidda ay warisay saxaafadda Mareykanka oo aakhiritaankii baahisay aqoonsigiisa rasmiga.

Michael Goodboe, sarkaalka dhintay, wuxuu ahaa qandaraasle waxaana loo maleynayaa in weerarka lagu dilay ay soo qaadey Al-Shabaab.

Sidda ay warisay jariirada New York Times, sarkaalkaas oo u dhintay dhaawac kasoo gaarey dagaal ay la galeen Al-Shabaab ayaa ka tirsanaa Waaxda CIA-da ee fulisa howlgaladda gaarka ah isla markaana halista ah.

Telefishinka CNN wuxuu intaas ku daray in sarkaalkan oo horey uga mid ahaa Ciidamadda Badda Mareykanka gaar ahaan guutadda loo yaqaano Team 6 wuxuu geeriyooday isagoo saalada qaliinka lana daaweynayo.

Tani ayaa la macno ah in dhaawaciisa uu ahaa mid khatar ah. Hasayeeshee, wali ma cadda goobta iyo goorta uu ka dhacay dagaalka lagu khaarijiyey.

Dhanka kale, hay'adda sirdoonka dibadda Mareykanka ee CIA-da ayaan wali ka jawaabin codsiyo ku saabsan ka warbixinta geerida sarkaalka.

Dhimashadda ayaa kusoo hagaageysa xilli maamulka Donald Trump ee muddo xileedkiisu dhamaadka yahay uu ku fekerayo in uu waddankooda dib ugu celiyo 700 askari ee Ameerika kaga sugan gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ee jooga dalka dhaca Geeska Afrika ayaa bixiya tababaro waxaana ay fuliyaan duqeymo ka dhanka ah maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM