Saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya oo su'aallo la waydiinayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal uu u diray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka waxaa uu kaga dalbaday in loo yeero Illaa Shan Sarkaal Ciidan oo lagu tuhmayo dhacdadii 27 December ee ahaa isku daygii la damacsanaa in lagula wareego Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha sida ay sheegtay Xukumadda Rooble.

Saraakiisha loo yeeray waxa ku jira Taliyaha Guutada 77aad iyo Abaanduulaha Guutada ee Koofiyo casta Ilaalada Madaxtooyada. Guddiga baaritaanka ayaa waday su’aalo weydiin iyo xog uruurin la xiriira qaabkii ay wax u dhaceen iyo cida soo agaasintay.

Taliyaha xoogga ayaa laga codsaday in Saraakiishan in maalinta Sabtida ah oo taariikhda tahay 8 Janaayo, saacadda 10:00 barqanimo ay yimaadaan Xafiiska Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay ula kulmaan guddiga baaritaanka uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha.

Magacyada saraakiisha loo yeeray ayaa waxa ay kala yihiin;

1- Gaashaanle Sare Xasan Aadan Dhicis Taliyaha Guutada 77aad.
2 - Gaashaanle Shaafici Nuur Axmed Abaanduulaha Guutada 77aad.
3 - G/Dhexe Cabdi Yaasin Cali Kooshin Taliyaha Ururuka 60aad ee Guutada 77aad.
4 - Gaashaanle Xasan Duwane Cumar Abaanduulaha Ururka 60aad
5- Labo Xiddigle Muuse Shaarib, Taliyaha Koox Horinta Gurmad Ururka 60aad.

Guddigii uu dhawaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay in ay baaris dhab ah ku sameeyaan ciddii ku lugta laheyd af-gambigii fashilmay ee 27-kii December 2021 ayaa maanta la kulmay Taliyaha ilaalada Madaxtooyada.

Sida uu fahansan-yahay Garowe Online, Guddiga ayaa waxay Taliyaha ilaalada Madaxtooyada, Korneyl Xasan Dhicis su’aalo ka weydiiyen baaritaankooda la xiriira afgambigii lagu qaaday hay’addaha dastuuriga ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ayaa hore u faray xubnaha guddigaan inay baaristooda ku soo gaba-gabeeyaan muddo todobaad ah, taasi oo ka bilaabaneysa maalintii la magacaabay oo ay kasoo wareegtay 5 maalmood.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM