Sawir qaade u shaqeynayay TV-ga SBS oo lagu diley Muqdisho

Image

MUQDISHO- Sawir qaade ka tirsanaa TV-ga SBS xafiskiisa Muqdisho ayaa waxa galinkii dambe ee maalintii shaley toogasho ku diley askari ka tirsan ciidamada dowlada oo ka howgala degmada Waaberi.

AHN Candirizaq Qaasim Imaan ayaa dilkiisa waxaa cambareeyey ururka saxafiyiinta Soomaaliya oo sheegey in dilkaan wariyaha kamid tahay xafgudbyada loo geysto Wariye-yaasha ka howlgala dalka Soomaaliya.

Agaasime ka tirsan TV SBS ayaa saxaafada u sheegey ineysan garaneyn sababta loo diley Cabdirizaq xabadaana lagu dhuftey isagoo aan wax dambi ah ku leh laheyn. 

Maxamad Nuur Dhaqane oo u hadlay TV ayaa ka dalbadey dowlada Federaalka ah in si deg deg ah sharciga loo horkeeno askariga dilkaan gaystey.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada ugu badan ay ka dhacaan dacadiyada loo gaysto saxafiyiinta. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM