Saxafiyiin lagu xiray caasimada maamulka Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Laba kamid ah wariyeyaasha ka howlgala magaala madaxda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb, Cabdullaahi Warsame Rooble iyo Maxamed Cabdiwali Tooxow, ayaa lagu waramay in xabsi loo taxaabay.

Mas'uuliyiinta maamulka madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaan wali fahfaahin dheeraad ah ka bixin sababta loo xiray saxafiyiintan.

Xarigooda ayaa kusoo hagaagaya saacado kadib markii ay barahooda bulshadda ku faafiyeen in ay soo gaareyso fariimo handadaad dil iyo xarig isugu jira.

Saacado kahor xarigooda, Rooble iyo Tooxow ayaa Facebook waxay ku faafiyeen qoraalo ay ku sheegayaan in ay Gaalkacyo ka dhacay banaanbax ay hooyooyin ku dalbanayaan "in Qoorqoor meel ku sheego wiilashooda la askareeyay".

Sidoo kale, waxay faafiyeen in Qoorqoor uu kasoo "cararay" Gaalkacyo isla markaana uu faray ciidamadda in ay "xabad ku kala eryaan dadweynahaas".

Warbaahinta qaar ayaa warineysa in xariga wariyeyaasha uu amray madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye [Qoo-qoor]. Warsidaha Garowe Online si madax-banaan uma xaqiijin karo sheegashadaas.

Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo qoraal kasoo saarey falkaas ayaa sheegay in uu si kulul u cambaareynayo dalbanayana in xorriyadooda la siiyo.

"Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ waxey si kulul u camaareynayaan xariga sharci darrada ah ee loo geestay wariyeyaasha kala ah Cabdullahi Warsame Rooble iyo Maxamed Cabdi Wali Tooxow oo caawa lagu xiray saldhiga Degmada Dhuusamareeb," ayaa lagu yiri qoraalka ay ku faafiyeen baraha bulshadda.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "FESOJ waxey fahansantahay in Wariyeyaashan loo xiray warar ay tabiyeen oo deegaanada Galmudug ka jiray".

"Waxaan dalbaneynaa in Saxafafiiyintan si deg deg ah xuriyadooda loo siiyo, ma aqbali karno in wariye loogu hanjabo arrimo jira oo uu ka hadlay hadana loo sii xero," ayay raaciyeen.

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "FESOJ waxey ugu baaqeysaa in maamulka Galmudug uu xiryadooda siiyo Wariyeyaashan hadii dambiyo ay galeenna lagu soo oogo oo maxkamad lasoo taago sida ugu dhaqsiyaha badan".

Mas'uuliyiin kale oo uu kamid yahay Xildhibaan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka, Mahad Maxamed Salaad, ayaa codkooda ku biiriyey cambaareynta xariga saxafiyiinta, wuxuuna soo-jeediyey in xorriyadooda loosoo celiyo.

"Weerarka Al-Shabaab ku hayaan deegaanada Galmudug yaan la sheegin ee ha loo dhakado cudurdaar la aqbali karo ma’ahan. Waxaan ugu baaqayaa maamulka Galmudug iyo Madaxweyne Axmed Qoorqoor in ay xorriyadooda u soo celiyaan wariyeyaasha kala ah Cabdullahi Warsame Rooble iyo Maxamed Cabdi Wali Tooxow ee caawa lagu xiray saldhiga Degmada Dhuusamareeb," ayuu yiri.

Guud ahaan Soomaaliya si gaar ah dowladda haatan jirta ee muddo xileedkeeda sii dhamaanayo iyo maamulada gacansaarka la leh waxay warbaahinta xorta ah kula dhaqmaan siyaasad qalafsan oo isugu jira tacadiyo joogto ah iyo laaluushid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM