Sayid Cali: Xilka qaadistayda waxaa lagu qarinayaa fashilka Guddiga Doorashadda [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Somalia - Sayid Cali Axmed ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay xil ka qaadis la sheegay inuu ku sameeyay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka heer Soomaaliya oo uu ka ahaa Gudoomiye ku xigeen.

Mr Axmed oo gabi ahaanba kasoo horjeestay shaqo ka eryidiisa ayaa ku tilmaamay mid aanan loo marin haananka sharciga ahaa, isaga oo ku doodaya in kaliya Baarlamaanka uu xilka ka qaadi karo.

Gudoomiyaha Guddiga Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yarey] ayuu ku eedeeyay in xilka qaadistiisa ay ku “qarinayso” fashil fara badan iyo maamul xumo hareeray muda ay xafiiska joogtay.

“Guddiga wuxuu ka kooban yahay 9-xubnood qoraalka liita ee soo baxayna waxaa ku saxiixan Lix xubnood oo waxyaabo daciif ah lagu qanciyay, taasi oo muujineysa inaanu Guddigu is-raacsaneen,” ayuu yiri.

Sayid Cali ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu hortago Gollaha Sharcidejinta dalka, si uu warbixin guud oo ku saabsan musuq-maasuq uu tilmaamay inay ku kaxday Xaliimo Yarey uu ugu gudbiyo.

Guddiga doorashooyinka heer Qaran ee Soomaaliya oo taageero joogto ah ka hela Beesha Caalamka ayaa waajibaadka looga fadhiyo waxay tahay inay dalka ka hir-geliyaan doorasho qof iyo cod ah 2020-ka.

Khilaafkaan cusub oo dhexdooda soo galay ayay xeel-dheerayashu sheegayaan inuu shaki gelin karo qabsoomida doorashadaasi, taasi oo haatan ay ku hareeraysan yihiin cabaqado ay ugu sareyso amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM