Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Image
Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa maanta Go’aan ka soo saartay dacwaddii loo heysto Eedeysane: Sayid cali Macalin Daa'uud, oo ku eedeysan Dilka Xaaskiisa Luul Cabdicasiis, kadib markii uu Racfaan ka soo qaatay Xukun ay horay ugu riday Maxkamadda Gobalka Banaadir, kadib markii ay ku heshay Eedii uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ku soo eedayay, kuna xukuntay DIL-TOOGASHO AH.

Maxkamaddu markii ay aragtay Eedda Xafiiska xeer ilaali Guud ee Qarnka, Qiraalka Eedeysane Sayidcali, dhaqaatiirtii latacaashay caafimadka Luul C.casiis inta aysan dhiman, iyo qariinooyinka muujiraya qorsheynta, ku tala galka iyo kasnimada denbiga Dilka, waxay Eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud ku heshay in uu yahay Dibiile galay dembiga Xafiiska Xeer-ilaaliyuhu ku soo Eedeeyey waxayna ku xukuntay DILL-TOOGASO oo ah qisaasta Luul Cabdicasiis.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa ka go'an La dagaalanka ka dhanka ah dhammaan dembiyada ka dhaca Dalka oo ay ugu adagyihiin ku wa la xiriira Nafta Adanaha sida dilka iyo dhaawaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM