Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Image
Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa maanta Go’aan ka soo saartay dacwaddii loo heysto Eedeysane: Sayid cali Macalin Daa'uud, oo ku eedeysan Dilka Xaaskiisa Luul Cabdicasiis, kadib markii uu Racfaan ka soo qaatay Xukun ay horay ugu riday Maxkamadda Gobalka Banaadir, kadib markii ay ku heshay Eedii uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ku soo eedayay, kuna xukuntay DIL-TOOGASHO AH.

Maxkamaddu markii ay aragtay Eedda Xafiiska xeer ilaali Guud ee Qarnka, Qiraalka Eedeysane Sayidcali, dhaqaatiirtii latacaashay caafimadka Luul C.casiis inta aysan dhiman, iyo qariinooyinka muujiraya qorsheynta, ku tala galka iyo kasnimada denbiga Dilka, waxay Eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud ku heshay in uu yahay Dibiile galay dembiga Xafiiska Xeer-ilaaliyuhu ku soo Eedeeyey waxayna ku xukuntay DILL-TOOGASO oo ah qisaasta Luul Cabdicasiis.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa ka go'an La dagaalanka ka dhanka ah dhammaan dembiyada ka dhaca Dalka oo ay ugu adagyihiin ku wa la xiriira Nafta Adanaha sida dilka iyo dhaawaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM