Senataro kasoo jeeda KG oo War kasoo saaray Xariga Mukhtar Roobow [Akhriso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubno katirsan Aqalka Sare oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed War kasoo saaray Xariga Mukhtar Roobow, oo shalay lagu xiray Baydhabo kadibna Muqdisho loo soo wareejiyay.

Qoraal ay soo saareen Senatarada dowladda Federaalka ku matala dowladda dhexe ayaa waxay ku dalbadeen in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo Roobow, iyagoo sheegay inuu yahay musharax si sharci ah u buuxiyay shuruudihii musharaxnimo.

Waxay ka dalbadeen ku xismaha Madaxweynaha KG, Baarlamaanka maamulkan iyo Guddiga doorashada inay dib u dhigaan doorashada 19-ka bishan loo balan-san yahay, illaa laga helayo jawai xasiloon oo suurtagelinaya doorasho xor iyo xalaal ah.

Senatarada ayaa ku tilmaamay xariga Roobow afduub aan sharci ahayn, iyagoo caddeeyay in dhibaatooyinka amni iyo mida siyaasadeed ee ka taagan hadda Baydhabo ay yihiin kuwa ay horey uga digeen, islamarkaana mas'uuliyadda ay qaadeyso DF.

Xildhibaanada ayaa cambaareeyay tallaabadii ciidamada Itoobiya ku xireen Mukhtaar Roobow, iyadoo sheegay in wax laga xumaado tahay in AMISOM ku milanto siyaasadda Soomaliya, una adeegsato Xukuumadda Soomaaliya faragelinta doorashada Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM