Senate-ka Mareykanka oo ka hadlay doorashada Soomaaliya

Image

WASHINGTON, USA – Guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Sare baarlamaanka Mareykanka ayaa ka hadlay jahwareerka siyaasadeed ee ka oogan Soomaaliya kadib markii uu dhamaadey muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyadda oo aan laga heshiin jihada cusub ee la qaadayo.

Senator Bob Menendez oo ah guddoomiyaha guddiga ayaa war qoraal ah oo uu soo saarey ku muujiyey in uu ka walaacsan yahay xaaladda taagan, wuxuuna ku baaqay in si deg-deg ah ay u heshiiyaan dowlada iyo maamuladda.

Menendez ayaa hoosta ka xariiqay in qalalaasaha haatan taagan yahay uu khatar ku yahay guulaha ay Soomaalidu gaareen sanadihii lasoo dhaafay.

"Waxaa la igu wargeliyey qalalaasaha doorasho ee kasii dareysa gudaha Soomaaliya iyo khatarta ay u horseedi karto is-mari-waagaas siyaasadeed ee hada jira. Khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo, hogaamiyeyaasha dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo mucaaradka Soomaaliya wuxuu halis ku yahay guulaha siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee ay juhdiga adag u soo mareen dadka Soomaaliyeed, waxayna xasiloonida dalka ku rideysaa god khatar ah," ayaa lagu yiri bayaankan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka sharci-dejiyaha, Al-Shabaab waxay ka faa'iideysan kartaa jahwareerka haatan taagan, waxaana ay xoojin kartaa ololaheeda dhanka argagixisadda ee ka dhanka ah waddanka.

"Waxaan ugu baaqayaa dhamaan dhinacyadda in ay ka fogaadaan gaarista danaha shaqsiga ah ayna xaliyaan kala duwanaanta taagan si doorashooyinka ay waqtigooda ugu dhacaan dib-u-dhac la’aan," ayuu hoosta ka xariiqay.

Mudanaha oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka ayaa kusoo gabagabeeyay hadalkiisa: "Heshiis kasta waa in uu noqdaa mid u hogaansan mabaadi'da ku dhisan ciyaar cadaalad ah isla markaana u jigeysan dhanka tartan furan [iyo] nidaamka xisbiyada badan ee dimuqraadiyadda Soomaaliya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM