Senate-ka Soomaaliya oo ansixiyey qaraar ka dhan ah heshiiska Trump

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah meelmariyey qaraar lagu cambaareynayo heshiiska madaxweynaha Mareykanka ee ku wajahan Bariga Dhexe.

Qorshahaas ayaa nuxurkiisa lagu tilmaamay nabadeynta colaada soo jireenka ah ee u dhaxeysa Falastiiyiinta iyo maamulka Israa'iil.

Ilyaas Cali Xasan, oo ka tirsan Senate-ka Soomaaliya kaasoo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twiter-ka, ayaa hoos u dhigay heshiiskaas.

"Annaga [Senate-ka Soomaaliya] waxaan maanta ah ansixinay qaraar ka dhan ah wuxuu madaxweynaha Mareykanka ugu yeeray "Heshiiska Qarniga" ee sheegaya in aysan jirin Falastiin," ayuu yiri.

Talaabadan ayaa waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay kamid noqoneyso qaar kamid ah wadamada caalamka ee kasoo horjeestay qorshahaas.

Turkiga ayaa damaca Aqalka Cad ku tilmaamay "isku day la doonayo in meesha looga saarayo dedaalada laba dowladood oo isku mid ah loogu sameynayo Falastiin iyo Yahuuda".

Boqorka Sacuudi Carabiya oo khadka telefoonka kula hadlay Maxamuud Cabaas, madaxweynaha Falastiiyiinta, ayaa u xaqiijiyey in ay ku garab taagan yihiin sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda.

Falastiiyiinta oo dhankooda ka falceliyey go'aanka maamulka Donald Trump ayaa ku sifeeyay "mid xaqiijineysa in Washington aysan dhexdhexaad ka ahayn colaada labada dhinac".

Yahuuda ayaa xoog ku haysata qaybo kamid ah dhulka Falastiin, halkaasoo ay ciidamadeeda ka geystaan xarig iyo tacadiyo badan. Qaramada Midoobay waxay haysashadaas u aqoonsatay mid sharci darro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM