Senate-ka: Waa sharci darro xeerka uu Farmaajo saxiixay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka muddo dhaafay ee Soomaaliya ayaa Axada maanta ah wuxuu caddeeyay mowqifkiisa saxiixa madaxweynaha waqtiga ka idlaadey ee todoba xubnood ee Golaha Adeega Garsoorka.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo war qoraal ah soo saarey ayaa shaaca ka dhigay in talaabadda uu ku dhaqaaqay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay baalmarsan tahay shuruucda waddanka iyo guud ahaan dastuurka ku meelgaarka ah ee u yaala qaranka.

Xeerkaas uu qalinka ku duugay Farmaajo waxaa u soo gudbiyey Golaha Shacabka ka gedaal markii ay soo meelmarisay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale wuxuu saxiixay xubnahaas ayadda oo aan loo gudbin Senate-ka, taas oo ka hor-imaaneysa dastuurka qabyadda ah ee waddanka.

Sharci-yaqaano iyo siyaasiyiin oo ka hor-yimid saxiixa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey ayaa ku waaniyey in uu ka laabto talaabada uu qaadey.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir ahna musharax madaxweyne, ayaa sheegay in Farmaajo damacsan yahay in uu dhiso Maxkamadda Dastuuriga "si ay qiil ugu sameyso in uu xukunka sii joogo".

Xaashi ayaa cod dheer ugu baaqay Farmaajo iyo xukuumadda muddo xileedkeeda uu dhamaadey "in ay joojiyaan ku xadgudubka qodobada dastuuriga ah inta laga dhisayo hay'ado dastuuri oo cusub una hogaan-samaan dastuurka KMG iyo shuruucda".

Hoos ka akhriso qoraalka Cabdi Xaashi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM