Senator Farole oo tacsi ka diray Geerida Wasiir Cabbaas

Image

GAROWE, Puntland- Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole oo katirsan golaha Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa Tacsi ka diray Geeridii ku timid AUN Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska dalka, sidoo kalena ahaa Xildhibaan katirsan Aqalka Hoose.

Farole oo haatan ku sugan Waddanka Australia, ayaa dilka wasiirka ku tilmaamay mid Waxashnimo ah oo lagula kacay nin dhalinyaro ah, siyaasi ah islamarkaana kasoo baxay dad cayr ah oo kusugan xeryahay qaxootiga Dhadhaab.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed, oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa Tacsi u diray ehelkiisa, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Somaliyeed, isagoo  si gaar aha tacsi ugu diray dadka ku nool Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab oo ahayd halkii uu kusoo bar-baaray waxna kusoo bartay marxuumka Cabbaas.

“Waxaan jeclahay inaan tacsi ka diro dilkii foosha xumaa oo Waxashnimada ahaa oo loo gaystay Xildhibaan Cabbaas Cabdullaahi oo ahaa wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska dowladda Federaalka Somalia, ALLAHA u naxariisto Cabbaas,” Ayuu yiri mudane Farole.

Wuxuu intaas ku daray, ”Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskiisiis, eheladiisii, qaraabadiisii, xigtadiisii inuu ka samir siiyo oo cawil Khayr qaba ugu badalo.”

Mudanahan ayaa sidoo kale murugada la qaybsaday Barlamanka Somalia, Xukuumadda, Jubbaland iyo guud ahaan shacabka Somalia.

“Waxaan sidoo kale u tacsiyaynayaa Barlamanka Somalia oo katirsanaa Marxuuma Cabbaas, waxaana kaloo u tacsiyaynayaa xukuumadda Federaalka Somalia oo wasiirka ka ahaa, waxaana kaloo u tacsiyaynayaa deegaankii laga soo doortay ee Jubbaland oo sheegtay inuu ku dhashay magaalada Af-madow, Kismayaana lagasoo doortay, waxaana kaloo u tacsiyaynayaa dadkii uu kasoo dhex-baxay ee ku xaraysnaa Dhadhaab, oo noqday Xidiga kasoo dhex-baxay, oo Somalida nabadda jecel iyo inay dib usoo noqoto dowladnimadii Somalia, Dhammaan intaas oo dhan ayaan u tacsiyaynayaa,” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Farole.

Farole, ayaa marxuumka ALLE uga baryay inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo, isagoo dilkaas ku macneeyay shirqool lagula kacay Aqoonyahay Somaliyeed.

Mar uu ka hadlayay aqoonta uu u leeyahay Cabbaas, mudane Farole ayaa tilmaamay inuu hayay warkiisa oo ahaa in Marxuumku uu ahaa shakhsi dhalinyaro ah, siyaasi ah, soo kacayay islamarkaana ahaa xidig ay ku dayanayeen dhammaan dhalinyarada Somaliyeed.

Xalay 03 May, 2017 ayay ahayd markii magaalada Muqdishu lagu dilay Cabbaas Cabdullaahi oo Barlamanka dowladda Federaalka kasoo galay dhinaca maamulka Jubbaland, sidoo kalena ayaa Wasiirka ugu da’da yar xukuumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM