Senator ka warbixiyay dhex-dhexaadinta Khilaafka Gollaha Shacabka [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Maxamud Axmed Maxamud (Mashruuc), ayaa ka warbixiyay dedaallada Aqalka Sare ee uu ku dhex-dhexaadinayo Xildhibaanada Khilaafka Gollaha Shacabka.

Khilaafka oo Asalkiisa yahay Mooshinka laga keenay Jawaari ayaa waxa uu Senator-ku sheegay in Gudiga uu magaacabay Aqalka Sare ee isaga uu xubinta ka yahay uu billaabay dhexdhexaatinta dhinacyada is-haya.

Gudigan oo ka kooban 7 xubnood islamarkaana uu Gudoomiye u yahay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa la kulmay Jawaari iyo ku xigeenkiisa Cabdiweli Ibraahim Muudey, iyagoo kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa Xiisadda taagan.

Waxay sidoo kale la fariisteen Xubnaha Gudiga Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Xildhibaanada iska soo horjeeda ee kala ah kuwa Mooshinka ka soo gudbiyay Jawaari iyo kuwa isaga la safan ee difaacaya.

Senator Maxamud Mashruuc, ayaa xusay inay meel fiican u marayso howsha, islamarkaana ay rajeynayaan in laga gudbo Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Xildhibaanada Gollaha Shacabka oo ku kala qeybsamay Mooshinka.

Mudanaha ayaa tilmaamay inay ka shaqeynayaan sidii Gollaha Shacabka loogu soo celin lahaa xaaladdiisii hore ee degenaanta iyo wadashaqeynta kahor Khilaafka, iyadoo is-mariwaagga taagan lagu xalinayo xeer-hoosaadkiisa Gollaha.

“Mas’uuliyiintii aan la kulanay waxay noo muujiyeen inay diyaar u yihiin in laga gudbo Khilaafka jira, iyagoo dareensan in dalka uusan hadda u baahnayn Khilaaf Siyaasadeed oo hor leh, maadaama waqti adag lagu jiro,” ayuu yiri Senator Maxamud Axmed Maxamud (Mashruuc).

Senator-ka ayaa sheegay in doorka Aqalka Sare uu yahay inuu u kala dab-qaado Madaxda sare ee uu Khilaafka u dhaxeeya, si loo ilaaliyo xasiloonida dalka iyo shaqada dowladda oo hakad gasha marka ay is qabtaan mas’uuliyiin.

"Wixii xeer hoosaadka Gollaha Shacabka uu qabo, baan ku dhex-dhexaadinaynaa, ee ma jirto Xal kale oo aan jeebka ku wado, iyaguna taas ayay ogol yihiin," ayuu ayuu hadalkiisa raaciyay Senator-ka.

Ugu dambeyntii, Senator Maxamuud ayaa ku baaqay in Xaaladda jirta aan laga dhigin Masiibo qaran [National Crisis], oo dalka aan la gelin qalqal siyaasadeed, maadaama Ummadda Soomaaliyeed ay ku jirto duruufo adag, kana soo daashay khilaaf iyo kala qeybsanaan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM