Senator ugu baaqay Xasan Sheekh tixgelinta daruufaha ka jira dalka & yareynta “Safarada badan”

Image
Sen. Maryan ayaa sidoo kale soo jeedisay talooyin si wax looga qabto dhibaatada ka taagan dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Maryan Kaahiye oo ka mid ah xubnaha aqalka sare ayaa kulanka maanta ee Aqalka sare ka soo hor jeedisay baaq ay u dirtay madaxda dalka kuna aadan dhaqaalaha ku baxa shirarka & safarada Madaxweynaha, xilli dadka Soomaaliyeed ay la il daran yihiin musiibada fatahaadaha.

“Dowladda waa in ay mas’uuliyad iska saarto sidii wax looga qaban lahaa khasaaraha ka dhashay fatahaadaha, iyada oo yareyneysa shirarka ay ku qabanayso hoteelada qaaliga ah” ayey tiri.

Senator Maryan ayaa soo jeedisay in dhaqaalaha ku baxa shirarka looga faa’iideysto wax ka qabashada Fatahaadaha saameeyay qaar ka mid ah gobollada dalka.

“Madaxweynaha ayaa laga doonaya in uu dadka Soomaaliyeed oo u noqdo tusaale, iyo in uu joojiyo Safarada badan uu aado, isla markaana deeq gaarsiiyo dadka ay dhibaatadu saameeysay”. Senator Maryan.

Waxay sidoo kale soo jeedisay talooyin si wax looga qabto dhibaatada ka taagan inta badan ee dalka, oo saameyn u geystay in ka badan 1 Milyan oo qof.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM