Shaakir oo DF uga digay in dhaqaalaha Galmudug u adeegsato dano gaar ah

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa "amray Wasiirada Galmudug ee la magacaabay 13/10/2018 ay howlahooda shaqo sii wataan inta uu kasoo magacaabayo gole cusub".

Shaakir waa mid kamid ah "saddex madaxweyne" ee Galmudug yeelatay kadib khilaaf hareeyay doorashooyinkii maamulkaas oo xukuumadda Soomaaliya lagu eedeeyay "in ay maroor-satay".

Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa isana loo doortay madaxweynaha Galmudug kadib coddeyn ay Dhuusamareeb ku qabteen Xildhibaano taabacsan Villa Soomaaliya.

Mareykanka ayaa "aqoonsaday Qoor-qoor" balse waxaa uu dhaleeceyn kala kulmay siyaasiyiinta mucaaradka iyo saamileyda dowlad goboleedkaas.

Talaabada Shaakir ayaa imaaneysa iyaddoo warar soo baxaya ay tibaaxayaan in Axmed Ducaale Geele uu soo magacaabi doono wasiiro cusub maadaama uu sheegtay madaxweyne isagoo ku sugan Gaalkacyo.

Dhanka kale, qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxii hore ee xukuumada Galmudug ayaa lagu sheegay in ay "dhowaan" qabsoomeyso xafladda caleema saarkiisa.

Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu cod dheer ugu tartarsiiyey in dhaqaalaha deeq-bixiyeyaasha caalamka ugu deeqeen Galmudug "aysan u adeegsan danaheeda gaarka ah si gaar ah arrimo siyaasadeed".

Hoos ka akhriso qoraalka Shaakir

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM