Shaakir oo hadlay kadib markii hogaanka Ahlu Sunna isku dhiibay DF

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa saakay isagoo warbaahinta kula hadlayay Dhuusamareeb sheegay in dowladda ay ku wareejiyeen hubkooda iyo mas'uuliyadda amniga magaaladda.

Shaakir oo shir jaraa'id ku qabtey gudaha Xarunta Inji ee lagala wareegay ayaa shaaca ka qaaday in Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga ee Jeneraal Mascuud Maxamed iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad ay ku wareejiyeen hubkii iyo malleeshiyaadkii ay heysteen.

Wararka ayaa sheegaya in taliye Mascuud uu balan-qaadey, islamarkaana la wareegay mas'uuliyadda amaanka hogaamiyeyaasha Ahlu Sunna, mana la oga inay magaaladda sii joogi doonaan iyo in kale.

Hadalka Shaakir ayaa imaanaya xilli habeenkii xalay isaga iyo aas-aasaha Kooxda Ahlu Sunna isku dhiibeen ciidamada dowladda Soomaaliya kadib markii lagu weeraray xarunta Inji oo ay deganaayeen mudo ka badan 10 sano.

Dagaal lagu dilay tiro ka badan 16 qof, oo shacab iyo askar isagu jira ayaa ka kala dhacay Dhuusamareeb iyo Guriceel, kaasoo u dhaxeeyay Malleeshiyaadka Ahlu Sunna iyo ciidanka dowladda diyaaradaha uga soo daabushay Muqdisho ee la geeyay Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa horey looga digay dhibaatada maanta ku dhacday ee burburka ah kadib markii ay ogolaadeen in dowladda ciidamo geyso degaanada ay ka talin jireen, sida Dhuusamareeb iyo Guriceel oo katirsan Galgaduud.

Doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb horaantii bishii lasoo dhaafay ayaa ka dhashay khilaaf xooggan iyo kala qeybsanaan hogaanka Galmudug iyo dowladda Soomaaliya, oo iyadu doonaysa in maamul taabacsan ka dhisto Galmudug, si lamid ah Koonfur Galbeed.

Wasiiru dowle hore uga mid ahaa Xukuumadda Khayre, Qoor Qoor ayaa Madaxweyne ka noqday Galmudug kadib doorasho ay qaadaceen musharaxiintii kale, oo ay kamid yihiin C/raxmaan Odowaa iyo Kamaal Guutaale, kuwaasoo diiday inay tartanka ka qeybgaleen kadib markii ay arkeen faragelin Villa Soomaaliya.

Siyaasiyiinta qaar ayaa ka digaya in Al-Shabaab ay fursad u noqoto in Ahlu Sunna meesha ka baxdo oo ciidanka dowladda bedelaan, maadaama ay horey ugu awood waayeen inay Ahlu Sunna kala wareegeen Dhuusamareeb iyo Guriceel oo 10 sano kahor laga saarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM

Booliiska oo Xiray TikTokers Heestii Ololaha Doorashadda Xasan Sheekh u bedelay Aflagaado

Xariggan ayaa dib u kiciyay dood adag oo ku saabsan doorka baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 06:03AM