Shabadkii fulisay weerarkii SYL Hotel oo "gacanta lagu soo dhigay"

Image
War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay 16 eedeysane.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shabakadii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Hotelka SYL ee 14-kii March ayaa gacanta lagu soo dhigay, sida ay sheegtay Hay’adda sirdoonka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay 16 eedeysane oo uu ku jiro nin lagu eedeeyay in uu fududeeyay gaadiidka loo adeegsado weerarka.

Ninkan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu baabuurkan soo geliyey magaalada, waxaana wehliya afar tuhmane oo u diiwaan gashan milkiilayaasha gaadiidkaasi.

"Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ku guuleystay in ay soo qabato Cabdinaasir Daahir Nuur oo ahaa shaqsigii suurtageliyey in magaalada soo galaan gawaaridii falka argagixisada lagu geystay," ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka ayaa sidoo kale waxa ay xabsiga u taxaabtay shan askari oo la sheegay in ay ku sugnaayeen koontaroolka gaadiidka ay marayeen.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay weerarka oo ay fuliyeen maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 40 kale. Dhaawacyadda waxaa kamid ah mas'uuliyiin kala duwan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM