Shabadkii fulisay weerarkii SYL Hotel oo "gacanta lagu soo dhigay"

Image
War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay 16 eedeysane.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shabakadii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Hotelka SYL ee 14-kii March ayaa gacanta lagu soo dhigay, sida ay sheegtay Hay’adda sirdoonka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay 16 eedeysane oo uu ku jiro nin lagu eedeeyay in uu fududeeyay gaadiidka loo adeegsado weerarka.

Ninkan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu baabuurkan soo geliyey magaalada, waxaana wehliya afar tuhmane oo u diiwaan gashan milkiilayaasha gaadiidkaasi.

"Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ku guuleystay in ay soo qabato Cabdinaasir Daahir Nuur oo ahaa shaqsigii suurtageliyey in magaalada soo galaan gawaaridii falka argagixisada lagu geystay," ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka ayaa sidoo kale waxa ay xabsiga u taxaabtay shan askari oo la sheegay in ay ku sugnaayeen koontaroolka gaadiidka ay marayeen.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay weerarka oo ay fuliyeen maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 40 kale. Dhaawacyadda waxaa kamid ah mas'uuliyiin kala duwan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM