Shacab ku dhamaadey duqeyn ka dhacdey koonfurta Soomaaliya

Image
13 kale oo u badan hal qoys ayaa ku dhaawacmay kuwaas oo loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhowr madfac ayaa Arbacadii ku soo dhacay deegaanka Baalow ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaare badan oo soo gaaray dad rayid ah.

Madaafiicda ayaa lala beegsaday deegaanka Baalow kadib dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray halkaasi. Toban qof oo rayid ah ayaa ku dhintay.

13 kale oo u badan hal qoys ayaa ku dhaawacmay kuwaas oo loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho.

Dadka qaar ayaa xaaladoodu aad u liidataa, waxaana la xaqiijiyay in labo ka mid ah dadkii dhaawacmay ay shalay galab ku geeriyoodeen Isbitaalka.

Weerarkii Madaafiicda ahaa ee u dambeeyay ayaa kusoo beegmaya xilli sidan oo kale ay uga dhaceen deegaanka Bariire iyo tuulooyinka hoosyimaada, iyadoo duqeymo hore oo dhanka cirka ah ay geysteen dad rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM