Shacab ku dhamaadey madaafiic lagu duqeeyay Muqdisho

Image
Wali ma jirto koox sheegatay. Balse laamaha ammaanka waxay ku eedeeyeen Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan shan qof shacab oo ah ku jiraan caruur ayaa ku dhintay tiro ka badan way ku dhaawacmeen hoobiyeyaal xalay ku dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. Wali ma jirto koox sheegatay.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Sadiiq Doodishe, ayaa weerarkan ku eedeeyay Al-Shabaab. "Ciidamadda ammaanka waxay qabteen qof la tuhunsan yahay in uu kamid ahaa kooxdii soo tuurtey hoobiyeyaasha kusoo dhacay Muqdisho," ayuu yiri.

"Gantaal macmal ah oo ay Khawaarijtu ku dhibaateysay qoys shacab ah oo aan waxba galabsan," ayuu Doodishe ku yiri qoraal gaar ah oo uu la wadaagay warbaahinta.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 04-July-2023, abaaro 05:00am, ayaa Kooxda Khawaarijta ah oo caadeysatay Dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed, waxay Gantaalo macmal ah oo ay soo tuureen, waxaa ay ku dhaceen guryo ay dad shacab ah daganayeen oo ku yaala Deg/Waaberi," ayuu tibaaxay.

Waxa uu intaas sii raaciyey: "Falkaas Argagixsadu sameysay ayaa waxaa ku dhintay Aabe iyo labadiisa caruur ah waxaana ku dhaawacmay Hooyadii Qoyska & 2 Caruur ah oo ay dhaleen".

"Waxaa ilaahay u waydiinaynaa inuu u naxariisto dadkii ku dhibtay, caafiyana kuwa ku dhaawacmay. Waxaa Ciidamada Amaanku gacanta kusoo dhigeen eedeysane la rumeysanyahay inu ku luglahaa falkaas, waxaana socota baaris arrinta la xariirta," ayuu kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM