Shacab ku dhamaadey qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Image
Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka tuulada Raaxoi ee waqooyiga Balcad.

MUQDISHO, Soomaaliya - Inta la xaqiijiyay todoba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay afar kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxan ayaa ka dambeeyay kadib markii gaari rakaab ah oo ka ambabaxay magaalada Jowhar kuna sii jeeday magaalada Muqdisho uu haleelay qarax miino.

Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkan ay ka dambeysay Kooxda AS wallow dhankooda aysan wali sheegan.

Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka tuulada Raaxoi ee waqooyiga Balcad. Falkan wuxuu imaanayaa xilli xalay ismiidaamin ka dhacdey xeebta Liido ay galaafatay 35 ruux.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM