Shacab ku leeday madaafiic lagu garaacay degaanka Janaale

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya madaafiic saacadihii lasoo dhaafay lagu garaacay degaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in hoobiyeyaasha ay ku dhaceen goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, taasoo khasaaro kala duwan sababtay.

Inta la xaqiijiyey shan qof ayaa ku geeriyootay, halka tobban kale ay ku dhaawacmeen, sidda uu xaqiijiyey maamulka oo ka gaabsaday in uu bixiyo warbixin.

Ma cadda cidda ridday madaafiicda. Balse, degaanka waxaa maalmihii u dambeeyay ka jirtay dhiilo colaadeed oo u dhaxeysa ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa tobban sano kadib isaga baxay halkaas, wallow lasoo wariyey in ay ku sugan yihiin meel ka fogeyn degaanka Janaale.

Dagaalo goos-goos ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay, kaasoo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamo dowladda oo taageero ka helaya howlgalka AMISOM.

Ma jirto cid si buuxda gacanta ugu haysa degaanka Janaale, taasoo caqabad ku noqotay in gurmad loo fidiyo bukaanada oo qeybtooda laga cabsi in ay dhaawaca u dhintaan.

Sidda ay sheegtay Qaramada Midoobay, colaada tobanaanka sano ka socota Soomaaliya waxaa saameynta ugu badan ay ku yeelatay rayidka oo wajahaya barakac iyo dil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM