Shacabka Caabudwaaq oo qabsaday hub ay “soo iibsatay” Dowladda Soomaaliya

Image
Dhanka kale, boobka hubkan ayaa la wariyay inuu ka horeeyay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Muuqaallo si weyn ugu faafay baraha bulshadda ayaa muujiyay shacab hubeysan oo bilaliqeysanaya hub saaran ugu yaraan labo gaadiid nooca xamuulka qaada ah.

Fahfaahinada qaar waxay xusayaan in hubkan uu yahay mid ay Dowladda Soomaaliya kasoo iibsatay dhigeeda Itoobiya wallow aan la xaqiijin karin.

Dhanka kale, boobka hubkan ayaa la wariyay inuu ka horeeyay dagaal dhexmaray ciidanka Galmudug iyo dadka degaanka kaas oo labo qof ay ku dhimatay.

Xiisad ayaa wali ka taagan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud tan iyo markii shalay ay shacabka degmada qabsadeen hub la sheegay in ay dowladda Soomaaliya kasoo iibsatay Itoobiya.

Dhaqdhaaqyo iska soo horjeeda ayaa lasoo warinayaa kuwaasoo kala ah in Dowladda Soomaaliya isku dayayso soo celinta hubka halka dadka degaanka ay u xusul duubanayaan sidii ay isku difaaci lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM