Shaki laga muujiyey kulanka Farmaajo isugu yeeray BF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shaki ka muujiyey kulanka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray Xildhibaanadda labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah.

Guuleed oo qoraal kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa rumeysan in Farmaajo damacsan yahay in fadhigaas uu "ku carqaladeeyo" maxsuulka wadahalaadda dowlada iyo maamulada ee Dhuusamareeb.

Dhanka kale, Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa soo dhaweeyay shirka ku qabsoomaya caasimadda Galmudug.

"Madaxweynuhu talaabo fiican ayuu qaaday hadii uu shir isugu yeeray madaxda maamul Gobolleedyada. Waxey aheyd arrin loo baahnaa xilli hore. Marar badan ayaan ugu baaqnay inuu dadka isku raadiyo oo uu odeynimo muujiyo inta uusan waqtigu ka idlaanin. Shirka Dhuusamareeb4 waa inuu noqdaa mid soo afjara mushkiladda doorashada oo ay markii horaba madaxtooyadu gacanteeda ku abuurtay," ayuu ku yiri qoraalkaas.

Wuxuu ku daray: "Waxaan rajeyneynaa in dhab loo wada hadlo, la isu tanaasulo, lana keeno xal dhexe oo doorasho oo ay ku wada qanci karaan dadka Soomaaliyeed, si gaar ah waa in laga heshiiyaa saddexda mushkilad ee hortaagan doorashada. Waa Guddiyada, arrinta Gedo iyo maamulka kuraasta gobollada Waqooyi".

"Dhinaca kale waxaa shaki iyo mugdi xambaarsan kulanka uu madaxweynuhu ugu yeeray labada Aqal 5ta Febraayo. Taas oo loo arko arrin la rabo in lagu carqaladeeyo wax walba oo kasoo baxa shirka Dhuusamareeb4, laguna baadi goobayo muddo korarsi," ayuu tibaaxay.

Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa tibaaxay: "Waxaanse ku kalsoonahay in Baarlamaanka uu muddo xileedkiisii dhamaaday uusan ku dhaqaaqi doonin tilaabo mudada loogu kordhinayo hogaan xiligiisii dhamaaday kuna fashilmay inuu dalka u horseedo doorasho iyo daganaasho siyaasadeed".

"Haddaba madaxweyne waxaan leenahay fadlan adigoo aan arrintaas waqti ku lumin, fursadaadii ugu dambeysay waxey taalaa Dhuusamareeb ee ka faa’iideeyso," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda in waqtigiisa dastuuriga ah uu ka dhamaanayo iyadda oo uusan waddanka kala caddeyn qaabka u aadayo doorasho hufan hadii natiijadda shirka Dhuusamareeb ay fashil noqoto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM