Shaki laga muujiyey kulanka Farmaajo isugu yeeray BF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shaki ka muujiyey kulanka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray Xildhibaanadda labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah.

Guuleed oo qoraal kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa rumeysan in Farmaajo damacsan yahay in fadhigaas uu "ku carqaladeeyo" maxsuulka wadahalaadda dowlada iyo maamulada ee Dhuusamareeb.

Dhanka kale, Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa soo dhaweeyay shirka ku qabsoomaya caasimadda Galmudug.

"Madaxweynuhu talaabo fiican ayuu qaaday hadii uu shir isugu yeeray madaxda maamul Gobolleedyada. Waxey aheyd arrin loo baahnaa xilli hore. Marar badan ayaan ugu baaqnay inuu dadka isku raadiyo oo uu odeynimo muujiyo inta uusan waqtigu ka idlaanin. Shirka Dhuusamareeb4 waa inuu noqdaa mid soo afjara mushkiladda doorashada oo ay markii horaba madaxtooyadu gacanteeda ku abuurtay," ayuu ku yiri qoraalkaas.

Wuxuu ku daray: "Waxaan rajeyneynaa in dhab loo wada hadlo, la isu tanaasulo, lana keeno xal dhexe oo doorasho oo ay ku wada qanci karaan dadka Soomaaliyeed, si gaar ah waa in laga heshiiyaa saddexda mushkilad ee hortaagan doorashada. Waa Guddiyada, arrinta Gedo iyo maamulka kuraasta gobollada Waqooyi".

"Dhinaca kale waxaa shaki iyo mugdi xambaarsan kulanka uu madaxweynuhu ugu yeeray labada Aqal 5ta Febraayo. Taas oo loo arko arrin la rabo in lagu carqaladeeyo wax walba oo kasoo baxa shirka Dhuusamareeb4, laguna baadi goobayo muddo korarsi," ayuu tibaaxay.

Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa tibaaxay: "Waxaanse ku kalsoonahay in Baarlamaanka uu muddo xileedkiisii dhamaaday uusan ku dhaqaaqi doonin tilaabo mudada loogu kordhinayo hogaan xiligiisii dhamaaday kuna fashilmay inuu dalka u horseedo doorasho iyo daganaasho siyaasadeed".

"Haddaba madaxweyne waxaan leenahay fadlan adigoo aan arrintaas waqti ku lumin, fursadaadii ugu dambeysay waxey taalaa Dhuusamareeb ee ka faa’iideeyso," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda in waqtigiisa dastuuriga ah uu ka dhamaanayo iyadda oo uusan waddanka kala caddeyn qaabka u aadayo doorasho hufan hadii natiijadda shirka Dhuusamareeb ay fashil noqoto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM