"Shaki soo kala dhex-galay" Soomaaliya iyo Midowga Afrika

Image
Muqdisho ayaa ka falcelisay cilaaqaadka "sii xumaanaya" ee kala dhaxeeya ururka AU-da. [File Photo: MoF]

MUQDISHO, Soomaaliya – Xiriirka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa u muuqanaya mid ay soo food-saartey dabeyl cusub oo jilicsanaan ah. Dhinacyada waxaa loo badinayaa in ay soo kala dhex-gashay kala shaki.

Muqdisho ayaa dhowaan ku eedeysay ururkan ay ku mideysan yihiin dalalka Afrika in uusan kala tashan warbixin ay diyaariyeen guddi madaxbanaan oo qiimeeyay joogitaanka afartii sano ee lasoo dhaafay ee howlgalka nabad-ilaalinta AMISOM.

Warbixinta ayaa tooshka ku ifisay in ay jirto wadashaqeyn la’aan baahsan oo dhinacyada ah. Qormada oo lagu wareystay 40 qof ayna Soomaaliya sheegtay in aan lagala tashan waxay soo jeedisay afar qodob oo khuseeya masiirka howlgalka.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo xaqijiyey in dhinacyadda dhaliilo iska tabanayaan, ayaa caddeeyay in ay ku kala aragti-duwan yihiin qodobo dhowr ah, "balse kama dhigna in xiriirka uu xun yahay"

"Mar walba dadka markii ay shaqeynayaan dhaliilo waa iska jiri karaan. Taas macnaheedu ma ahan in xiriirka uu xun yahay. Xaqiiqaddii, hadda shirarkan aan la galayey Midowga Afrika oo aan ahayn markii koowaad, mar walba oo aan arrimahan kawada hadleyno waxaan ka noqoneynaa isku aragti, waxaana noo muuqaneysa in sida Soomaalida wax u rabto ay noogu hirgelayaan," ayuu ku doodey.

Maxamuud oo booqasho ku jooga Addis Ababa ayaa ka dhawaajiyey in ay mas’uuliyiinta AU-da la yeesheen wadaxaajoodyo "ayna isaga soo dhowaadeen sidii hore".

"Marka, runtii xiriirka ma xuma. Dhaliilo waa jiri karaan u baahan in la saxo waana iska aragnay, waana kawada hadalnay arrintaasna si fiican bay noogu socotaa," ayuu hadalkiisa ku daray diblumaasiga ugu sareeya dalka.

"Anaga afarta xulasho ma noola fiicna"

Garowe Online ayaa fahansan in Maxamuud uu caasimadda Itoobiya u tahay si uu u gudbiyo jawaabta rasmiga ah ee Soomaaliya ka bixineyso warbixintaas ku eedeysay maamulka Farmaajo in uu ka gaabiyey la wareegida amniga dalka.

Talooyinka ku jiray warbixintaas qiimeynta ah ayaa waxay kala yihiin: In howlgalka uu noqdo mid wadajir ah oo ay wada qaadaan Midowga Afrika iyo Qaramadda Midoobay, In dib-u-habeyn iyo dib-u-howlgelin lagu sameeyo ciidamada Midowga Afrika ee xilligan jooga Soomaaliya, In Soomaaliya la keeno ciidamadda wadamadda heeganka ah ee wadamadda bariga Afrika Iyo in gabi ahaanba ciidamadda AMISOM ay ka baxaan Soomaaliya.

Sida uu aaminsan yahay Maxamuud oo warar soo baxayo sheegayaan in uu musharax u yahay kursi Xildhibaan Aqalka Hoose doorashada hadda ka bilaabay Soomaaliya, warbixinta ayaan "waxba kama oran sida ay uga fiican tahay sida ay hadda ku joogaan"

"Eedeynta ah in Soomaalida nagala shaqeynin in ay ku baxno lix bilood gudahooda ma ahan arrin loo qaateen ah," ayuu raaciyey, isaga oo ku nuux-nuux-saday in Soomaaliya ay dooneyso dhaqan-gelinta soojeedinta golaha ammaanka meelmariyey ee xeerineysa in mas’uuliyada amniga Soomaalida hantaan.

Hubanti la’aanta uu haatan wajahayo howlgalka AMISOM ayaa durba waxay u muuqaneysaa mid saameysay dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah kooxaha argagxisadda ayna qeyb ka ahayn dhaqdhaqaaqyaddii u dambeeyay ee goboladda waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM