Shaqa joojin lagu sameeyay ilaaladii amniga Jawaari [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidamada Aqalka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, ayaa shaqa joojin ku sameeyay ilaaladii amniga gudoomiyaha gollaha shacabka Maxamed Cismaan Jawaari, oo lagu soo ogey mooshin ka dhan ah.

Sarkaal katirsan Ciidamada oo magaciisa ka gaabsaday ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay shaqa joojinta Askarta, kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya 25 Askari oo kuwa loo yaqaano Koofi-Gaduudka.

Askartan ayaa dhamaantood Ilaalo gaar ah u ahayd Jawaari, waxaana laga dhigay hubka iyadoo lagu wargeliyay inaysan ka bixi karin Villa Soomaaliya ilaa amar dambe.

Go'aankan oo kasoo baxay Xukuumadda, ayaa lagu soo beegay xilli Khilaaf u dhaxeeyo madaxda sare ee dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM la wareegeen guud ahaan amaanka gudoomiye Jawaari oo hadda wajahaya Mooshin kalsooni kala noqosho ah, oo Xildhibaano laga taageero ka haysta  xukuumada ay wadaan.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac "Gorod" ayaa ku dhawaaqay in la xiray Askar shalay hub la galay gudaha xarunta Gollaha Shacabka, oo la socday Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa 2aad Mahad Cabdalla Cawad.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in lagu raadjoogo Askar kale oo baxsatay, isagoo intaasi ku daray hadalkiisa in ay jiraan Malleeshiyaad ku lebisan dareeska Ciidanka oo Siyaasiyiin adeegsanayaan. Halkan ka akhri Warbixinta.

Ciidamada Qaranka ayaa la sheegay inay ku milmeen khilaafka u dhaxeeya dhinacyada is-haya, iyadoo shalay Ciidamo badan oo kala wateen Jawaari, Mahad, Cabdiweli Muudey iyo Xildhibaano buux dhaafiyeen Xarunta Baarlamaanka JFS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM