Shaqaale katirsan Bisha Cas oo lagu afduubay duleedka Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegaya in duleedka caasimadda gobolkaasi ee Baydhabo maanta lagu afduubey Shaqaale u shaqeeya hay'ada gargaar.

Saraakiisha gobolka ayaa xaqiijiyay afduubka 5 kamid ah shaqaalaha hay'adda bisha Cas, kuwaasi kala ah saddex dumar iyo labo rag ah, waxaana loo maleynayaa inay afduubtay Kooxda Al-Shabaab, oo horey hay'adaha uga mamnuucday degaanada ay xukunto.

Wararka ayaa sheegay in shaqaalaha samafalka lagu weeraray nawaaxiga Baydhabo, xilli ay la socdeen gaari NOAH ah, iyagoo kusii jeeday degaanka Awdiinle, oo ay doonayeen inay kasooo fuliyeen howlgal lagu nafaqeynayo caruurta qoysaska saboolka ah.

Afduubka waxa uu ka dhacay tuulo lagu magacaabo Busleey, oo qiyaastii 20-KM u jirta Baydhabo, waxaana halkaasi la sheegay in ay ku koox badan tahay Al-Shabaab.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda afduubkan, balse waxaa loo maleynayaa inay ka dambeyso Al-Shabaab, waxaana saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed ay sheegeen inay wadaan isku dayo lagu soo badbaadinayo shaqaalaha la qafaashay.

Gobollada Baay iyo Gedo waxaa tan iyo sanadkii tagey lagu afduubay dhowr qof oo la shaqeeya hay'ado maxali ah, oo ka shaqeeya arrimaha quudinta iyo talaalka dabeysha, kuwaasi qaarkood lagu soo daayay lacago madax-furasho ah.

Soomaaliya waxay kamid tahay meelaha ugu khatarta badan oo shaqaalaha gargaarka ay ka howlgalaan, iyadoo taasi loo aaneynayo amni la'aanta iyo colaadaha.

Bishii May ee 2018, waxaa Muqdisho lagu afduubay Sonja Nientiet, oo ah haweenay u dhalatay Jarmalka, taasoo ah Kalkaaliso caafimaad oo katirsan hay'adda ICRC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM