Shaqaale katirsan Bisha Cas oo lagu afduubay duleedka Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegaya in duleedka caasimadda gobolkaasi ee Baydhabo maanta lagu afduubey Shaqaale u shaqeeya hay'ada gargaar.

Saraakiisha gobolka ayaa xaqiijiyay afduubka 5 kamid ah shaqaalaha hay'adda bisha Cas, kuwaasi kala ah saddex dumar iyo labo rag ah, waxaana loo maleynayaa inay afduubtay Kooxda Al-Shabaab, oo horey hay'adaha uga mamnuucday degaanada ay xukunto.

Wararka ayaa sheegay in shaqaalaha samafalka lagu weeraray nawaaxiga Baydhabo, xilli ay la socdeen gaari NOAH ah, iyagoo kusii jeeday degaanka Awdiinle, oo ay doonayeen inay kasooo fuliyeen howlgal lagu nafaqeynayo caruurta qoysaska saboolka ah.

Afduubka waxa uu ka dhacay tuulo lagu magacaabo Busleey, oo qiyaastii 20-KM u jirta Baydhabo, waxaana halkaasi la sheegay in ay ku koox badan tahay Al-Shabaab.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda afduubkan, balse waxaa loo maleynayaa inay ka dambeyso Al-Shabaab, waxaana saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed ay sheegeen inay wadaan isku dayo lagu soo badbaadinayo shaqaalaha la qafaashay.

Gobollada Baay iyo Gedo waxaa tan iyo sanadkii tagey lagu afduubay dhowr qof oo la shaqeeya hay'ado maxali ah, oo ka shaqeeya arrimaha quudinta iyo talaalka dabeysha, kuwaasi qaarkood lagu soo daayay lacago madax-furasho ah.

Soomaaliya waxay kamid tahay meelaha ugu khatarta badan oo shaqaalaha gargaarka ay ka howlgalaan, iyadoo taasi loo aaneynayo amni la'aanta iyo colaadaha.

Bishii May ee 2018, waxaa Muqdisho lagu afduubay Sonja Nientiet, oo ah haweenay u dhalatay Jarmalka, taasoo ah Kalkaaliso caafimaad oo katirsan hay'adda ICRC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM