Shaqaale katirsan Shirkad Isgaarsiin oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Rag bastoolado ku hubaysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay mid kamid ah shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, iyadoo maalmo kahor labo kale lagu dilay qarax ka dhacay duleedka Caasimadda.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Buundooyinka ee degmada Waaberi, halkaasi oo Kooxda hubaysan ay gudaha u galeen Xarun Shirkadda halkaasi ay ku leedahay kadibna ku dilay ninkan kamidka ahaa shaqaalaha oo magacabiisa lagu soo koobay Suleymaan.

Goobjoogiyaal ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in kuwa dilka geestay ay lacago ka qaateen xarunta Shirka, iyagoo ku baxsaday Gaari nooca raaxadda ah oo ay wateen.

Saraakiisha Shirkadda kama aysan hadlin falkan dilka iyo dhaca ah ee laga geestay xarunteeda degmada Waaberi, gaar ahaan Laanta Xaafadda Buundooyinka.

Maalintii Arbacada ahayd ee lasoo dhaafay, qarax miino oo ka dhacay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa lagu dilay labo Shaqaale ah oo katirsanaa Shirkadda Hormuud, iyadoo dhacdadaasi aysan jirin cid sheegatay. Halkan ka akhri.

Lama oga sababta loo beegsanayo Howlwadeenada Shirkaddan, oo ka howlgasha Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM