Shaqo Fariisin Lagu Sameeyay Guddoomiyaha Barlamanka HirShabeelle

Image

JOWHAR, Somalia- Guddoomiyaha Barlamanka maamulka cusub ee HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre, ayaa maanta lagu sameeyay shaqo fariisin kadib markii ay mooshin ka keeneen qaar kamid ah Xildhibaanada dowlad goboleedkan Somaliyeed.

Mooshinkan oo ay gudbiyeen 47 Xildhibaan, balse ay saxiixeen 39 kamid ah, ayaa wararku xusanayaan inuu qaaday Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golahaas.

Sheekh Cusmaan Barre, ayaa lagu haystaa eedo ah inuu is-hortaag ku sameeyay rabitaanka Xildhibaanada islamarkaana uu difaace u noqday maamulka uu hogaamiye Cosoble.

Xildhibaanada ayaa muddooyinkii dambe eedayn dusha uga tuurayay Madaxweyne Cali Cabdillaahi.

Waxaa loo ballamay in todobaadka soo socdo la qaado codka Kalsoonida Guddoomiyaha Barlamanka HirShabeelle.

Tallaabadan ayaa dhalisay buuq ka dhex kacay Xildhibaanada maamulkaas, taasoo u muuqatay in aad loogu kala qaybsanyahay.

Maamulkan ayaa horay dhismihiisa waxaa uga jiray khilaaf laxaad leh, taasoo marar badan keentay inuu dib u dhaco ilaa markii dambe si boobsiis ah ay ku yagleeshay dowladda Xasan Sheekh.

Ilaa hadda kama uusan hadlin sida uu u arko mooshinka laga keenay Guddomiye Barre.

Dhinaca kale, waxaa maanta lagu waday in degmada Balcad shirkii ugu horeeyay ku yeeshaan Wasiirrada maamulkaas, balse waxaa baaqday isu imaatinkooda sababo aan la faah faahin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM