Shaqsi "qirtay" in uu hub u iibin jiray Al-Shabaab oo xukun lagu riday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamada Ciidamada Soomaaliya ayaa Arbacada sideed [8] sano oo xabsi ah ku xukuntay shaqsi "qirtay" in uu Al-Shabaab u daabuli jiray noocyadda kala duwan ee Hubka.

Sidda ku cad warbixin kasoo baxday maxkamadda, Cadow Cabdulle Axmed, oo 31-jir ah, ayay laamaha amaanka kasoo qabteen magaalada caasimada ah ee Muqdisho kadib howlgal qorsheysan.

Dacwad oogayaasha oo gal-dacwadeedka Cadow loo gacan-geliyay 14-kii April 2019 kadib markii lasoo qabtay ayaa tilmaamay in "eedeysanaha uu ku qanacsanaa shaqadaasi uu hayey argagixisada".

"Cadow wuxuu kaloo la dhacsanaa in uu lacag ka sameeyo dhiiga Umadda Soomaaliyeed," ayuu yiri Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed, oo xafiiska xeer-ilaalinta maxkamadda ciidamada ka tirsan.

Maxkamadda ayaa markii ugu horeysay dhageysatay kiiskaan 30-ka bishii lasoo dhaafay ee April, xiligaasi oo la horeegay caddeymaha eedaha ka dhanka ah Cadow Cabdulle Axmed.

Qareenadda difaacayey oo ku dooday in dalka uusan lahayn sharci mamnuucaya ka ganacsiga Hubka ayaa codsaday in xorriyadiisa loo celiyo eedeysanaha oo ay sheegeen in uu nolol maalmeedkiisa ka arkay halkaasi.

Gaashaanle Sare, Xasan Cali Nuur Shuute, gudoomiyaha maxkamada milatariga, oo todobaad kadib go’aanka maxkamada ku dhawaaqay ayaa shaaciyey in Cadow uu haysto fursad uu Racfaan ku qaada karo.

"Hadii uusan ku qanac-saneen xukunkaasi, waxaa u furan Racfaan, sida uu qabo sharciga," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Gudoomiye Xasan Cali Nuur Shuute.

Degaanada la sheegay in uu Cadow hubka u iib geyn jiray waxaa kamid ah Kuunya Barrow, Toorotoorow iyo Mubaarak, isaga oo ku wareejinayay xubno Al-Shabaab u qaabilsanaa keydinta Hubka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM