Shaqsi reer Somaliland ah oo 5-sano loogu xukumay inuu kusii jeeday Jilib

Image
Axmed Barre Maxamuud Guuleed oo si gaar ah uga soo safray magaalada Burco ayaa laga soo xigtay duleedka Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa shan sano xarig ah waxa ay ku xukuntay nin la sheegay inuu degaanada Somaliland uga yimid ku biiritaanka maleyshiyadda Al-Shabaab.

Axmed Barre Maxamuud Guuleed oo si gaar ah uga soo safray magaalada Burco ayaa ciidanka qarsoon ee NISA ay ka soo xireen degaanka Ceelasha Biyaha November 26, 2023 isaga oo kusii jeeda Jilib.

"Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Axmed Barre Maxamuud Guulled , 5 Sano oo xabsi ciidan ah," ayaa lagu yiri war qoraal ah.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Axmed Barre Maxamuud Guuleed ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshiyaha Khawaarijta Alshabaab, Waxaana Ku biirista Maleeshiyada uu uga yimid Gar-Adag oo ka tirsan Gobalka Sanaag.

Waxaa Ku biirista Khawaarijta ku tashkiiliyay Aadan Yaroow oo ay isla ahaayeen Reer Gar-adag balse jooga Jilib, isagoo u sheegay in uu maalintii mushaar ahaan u qaadan doono lacag dhan Malyan iyo Shan Boqol oo Shilling Soomaali ah (1,500,000Sh Somaali ah), bishiina uu qaadan doono $1,200 Dollar uuna la shaqeyn doono Maleeshiyada.

Waxaa lagu soo xiray Nin ganacsade ah oo Bakhaar bagaashka lagu iibiyo kuleh Burco, laguna magacaabo Axmed, kaas oo soo saaray gawaarida soo aada Buuhoodle.

Waxa uu soo galay Xamar oo kaga sii gudbay Ceelasha Biyaha, Halkaas uu doonaayay inuu ka sii aado Jilib.

Ciidanka Qarsoon ee NISA ayaa ka soo xiray Ceelasha Biyaha, Lix iyo Labaatankii bishii November ee Sanadkii tagay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Axmed Barre Maxamuud Guulled , 5 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Oo Muqdisho Ka Bilaabay Kulamo Looga Soo Horjeedo Nidaamka Doorashada 2026

Kulamadaasi ayaa lagu wadaa inay noqdaan hordhac shir weynaha mucaaradka oo dhowaan ka dhacaya Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2025

  • 12:32PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM