Shaqsi Soomaali ah oo si arxan daran loogu dhaawacay Malta

Image

MARSA, Malta – Mas'uuliyiinta waddanka Malta ayaa xaqiijiyey in dabley ay Jimcadii nin dalka Soomaaliya u dhashay ku dhaawaceen xaafadda Marsa.

Booliska ayaa shaaca ka qaadey in kooxaha hubeysan ee falkan ka dambeeyay ay weerarka u adeegsadeen Toorey ama Mindi.

Shaqsiga Soomaaliga ah oo magaciisa aan lasoo bandhigin ayaa waxaa la sheegayaa in dhaawaciisa uu yahay mid aad u daran.

"Dhibanaha markii loo geysanayey dhaawaca wuxuu marayey wadada weyn ee St Joseph oo ka tirsan magaaladda Hamrun," ayuu yiri sarkaal sarre.

Kadib falkaas foosha xun, waxaa loola cararay Isbitaal, halkaas oo baxnaano caafimaad oo naf-badbaadin loogu sameynayo.

Ma cadda sababta ay kooxaha hubeysan u beegsadeen 24-sano jirkaan oo aan wali la fahfaahin qaabka uu ku joogay waddankaas dhaca qaaradda Yurub.

Dambiileyaasha arxanka daran ayaa la tilmaamayaa in ay goobta ka baxsadeen kahor inta aysan imaan laamaha ammaanka oo baaritaano sameeyay.

Malta oo kamid ah wadamada loo dalxiis tago ee qaaradda Yurub ayaa waxaa sidoo kale uu marin u yahay qaxootiga Afrikaanka ee galaya qaaradaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM