Shaqsiyaadka caanka ah ee lagu la'yahay fatahaadaha Beledwayne

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BELEDWAYNE, Hiiraan - Xaalad bini'aadanimo oo aad u xun ayaa ka jirta qaar kamid ah gobolada Soomaaliya ka gedaal markii Webbiyada Shabeelle iyo Jubba ay qararka jabsadeen.

Tani ayaa waxay keentay in ay ku fatahaan magaalooyinka qaar, iyadda oo xaaladda ugu daran laga soo warinayo gobolka Hiiraan gaar ahaan magaaladda caasimada ah ee Beledwayne.

Tobanaan ruux oo ay ku jiraan mas'uuliyiin ayaa ku dhimatay, qaar kelana qar iyo ruuxba laguma hayo xili kuwa kale oo boqolaal gaaraya ay ku barakaceen kuna guryo beeleen.

Dadka lagu la'yahay ayaa waxaa kamid ah shaqsiyaad caan ah, kuwaasoo qaarkood xilal muhiim ah ka haya maamul goboleedka HirShabelle iyo maamul gobolka Hiiraan.

Hoos Ka Akhriso Magacyadda

1) Sharmaake Khaliif Xassan Xoghayaha Dowlada Hoose ee Baladweyne

2) Dahabo Axmed Xassan la-taliyaha Sare ee Arrimaha haweenka Madaxweynaha Hir-Shabeelle

3) Khaliif Xassan Agaasimaha Xafiiska Duqa Baladweyne

4) Deeqow Abdi Cariif Agaasimaha waaxda Nadaafada dowlada Hoose ee Baladweyne

5) Gueleed ibraahiM IT dowlada Hoose Baladweyne

6) Cabdi Keynan (Abdi kuus) Darawalka duqa Baladweyne

7) Shariif Hassan Ganey (Shariif Carabey) Ganacsatade laakin meydkiisa saakay la helay.

8) Macalin Nuur Ganacsatade

9) Axmed Cali Cusmaan (Ahmed Ganey) Ganacsatade

10) Muscab Xuseen muuto naaquudihii doonida rogmatay

Iyo Wiil yar oo Iskuulka Sheekh Maxamed Macalin ka ahaa Fasalka Afaraad ee dugsiga Sare, kaas oo Magaciisa aan weli la helin.


Mas'uuliyiinta ayaa sheegaya in sababta aan gurmad degdeg ah loo gaarsiin karin Beledwayne ay tahay garoonka diyaaradaha oo daadadku saameeyeen maadaama gargaarka hawada lagu daabulayo.

Ciidamo dheeraad ah lagu soo daabulay xaafadaha si ay u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa dadweynaha loogana hortago dhibaato kale oo baahsan oo ka dhalata mashaqadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM

Mareykanka oo taageerada AUSSOM u joojinaya fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo horumar la’aanta amniga Soomaaliya

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:25AM