Shariif: Farmaajo haka joog-sado burburka uu dalka u hor-seedayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed, oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho, Isniinta maanta ah, ayaa si kulul u cambaareeyay ishortaagii lagu sameeyay safarkiisa Kismaayo.

Hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa kamid ah martida lagu casuumay xafladda caleema saarka madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

"Waxaan rabaa warkeyga inuu cadaado dowladda waxay ku socotaa hannaan qaldan oo keenaya dowladda inay burburto kama aqbali karno Maxamed C/llaahi Farmaajo oo boorsadiisa iyo suudkiisa wato annaa magacaabay".

Caleema saarka Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa waxaa lagu wadaa in ay Kismaayo ka qabsoonto 26-ka bisha September sanadkan 2019-ka.

"…dalkaan wax ka galay oo kheyraad ah ma jiro, asaa ka faa'deystay, Xasan Cali Kheyre waa sidoo kale, annaga dalkaan waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo, dariiqa uu ku socdo waa qaldan tahay".

Villa Soomaaliya ayaa isku dayeysa in ay baajiso munaasabadaas oo la filayo in ay kasoo muuqdaan siyaasiyiin caan ah iyo wakiilo ka socda caalamka.

"…waxaan leeyahay joogsada meesha aad joogtiin ma dhaafi kartid Soomaalina ha isu timaado," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Sheekh Shariif.

Xukuumadda ayaa nan wali sharaxaad ka bixin is-hortaaga ay ku sameysay Sheekh Shariif, balse waxay amarkii saddexaad kusoo rogtay duulimaadyadda Kismaayo oo ah in aysan tegi karin saddex wax diyaarad ah.

MUUQAALKA SHARIIF

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM