Shariif iyo Farmaajo oo kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho

Image
Labada hogaamiye ayaa wadahadalkooda diiradda ku saarey qodobo hortabin u leh Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayneyaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay kulan gaar ah waxa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Labada hogaamiye oo qoraalo kala duwan ku daabacay ciwaanadooda baraha bulshadda waxa ay ku muujiyeen in ay kawada hadleen xaalada dalka gaar ahaan dib u eegista dastuurka dalka.

Shariif ayaa si gaar ah wuxuu u yiri: "Waxaan caawa kulan wadda yeelnay Madaxweynihii hore ee dalka mudane Mohamed Abdullaahi farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay".

Wuxuu ku daray hadalkiisa: "Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dooda beryahaan ka taagan dib u eegista dastuurka dalka, waxaana hoosta iskala xarriiqnay xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka hadda socda in ay u baahanyihiin wadatashi ballaaran".

"Waxaan isla garannay in aan sii wadno kulamadeenna iyo wadatashigeenna , isla markaasna laga soo qeyb geliyo siyaasiyiinta dalka iyo qeybaha kale ee bulshadda," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalka.

Is-araggan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli la filayo in labada hogaamiye ay booqasho ku tagaan degaanada Puntland gaar ahaan magaalada Garowe halkaas oo ay kula kulmaan madaxwayne Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM