Shariif iyo Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay Beledwayne

Image
Image
Image
Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Madaxweyneyaashii 7aad iyo 8aad ee Soomaaliya ayaa si nabdoon uga degay Beledwane, xarunta gobolka Hiiraan, oo dhowaan daadad kusoo rogmadeen.

Sheekh Shariif Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha.

Hogaamiyeyaasha xisbiyadda; Himilo Qaran iyo Midowga Nabadda & Horumarka ayaa gargaar gaarsiinaya shacabka ay saameynta ku yeelatay fatahaadaha.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka ay ku gaareen magaaladdaas dhacda bartamaha dalka ku yaala Geeska qaaradda Afrika.

Saxaafadda maxaliga ah ayaa tibaaxeysa in kahor aysan ka duulin Muqdisho saacado "lagu xaniban madaarka Aadan Cadde".

Si lamid ah kahor inta aysan ka degan Beledwayne laga dan-saday qalabka isgaarsiinta garoonka loona fasaxay kolkii dambe.

Hase ahaatee, Hay’addaha Duulimaadyadda Rayidka ayaa hadal ay siisay warbaahinta ku sheegtay in dhamaan arrimahaan ay daaran yihiin xaqiijinta badqabka diyaaradda.

"Ma jiraan wax xayiraad ah iyo is hortaag," ayaa lagu yiri qoraal kooban oo idaacadaha Muqdisho ay siisay Hay'adda.

Socdaalkan ayaa imaanaya maalmo kadib markii si rasmi ah loo daah-furay Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka.

Madasha ayaa ku dhawaaqday laba boqol oo kun oo Doollar-ka Mareykanka ah oo ay ku taakuleynayaan dadka ay saameysay fatahaadaha ka dhashay Webbiga Shabelle.

Sidda ay shaacisay Dowladda Federaalka, in ka badan 60-kun oo ruux ayaa ku barakacay daadadka Webbiga, waxaana ku dhintay tobanaan ay ku jiraan mas'uuliyiin dowladeed.

Hay'addaha gargaarka maxaliga ah iyo kuwa caalamka ayaa waxay gargaar kawadaan magaalooyinka kala duwan ee ay fatahaaduhu ka dhaceen oo ku yaala bartamaha iyo koonfurta waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM