Shariif iyo Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay Beledwayne

Image
Image
Image
Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Madaxweyneyaashii 7aad iyo 8aad ee Soomaaliya ayaa si nabdoon uga degay Beledwane, xarunta gobolka Hiiraan, oo dhowaan daadad kusoo rogmadeen.

Sheekh Shariif Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha.

Hogaamiyeyaasha xisbiyadda; Himilo Qaran iyo Midowga Nabadda & Horumarka ayaa gargaar gaarsiinaya shacabka ay saameynta ku yeelatay fatahaadaha.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka ay ku gaareen magaaladdaas dhacda bartamaha dalka ku yaala Geeska qaaradda Afrika.

Saxaafadda maxaliga ah ayaa tibaaxeysa in kahor aysan ka duulin Muqdisho saacado "lagu xaniban madaarka Aadan Cadde".

Si lamid ah kahor inta aysan ka degan Beledwayne laga dan-saday qalabka isgaarsiinta garoonka loona fasaxay kolkii dambe.

Hase ahaatee, Hay’addaha Duulimaadyadda Rayidka ayaa hadal ay siisay warbaahinta ku sheegtay in dhamaan arrimahaan ay daaran yihiin xaqiijinta badqabka diyaaradda.

"Ma jiraan wax xayiraad ah iyo is hortaag," ayaa lagu yiri qoraal kooban oo idaacadaha Muqdisho ay siisay Hay'adda.

Socdaalkan ayaa imaanaya maalmo kadib markii si rasmi ah loo daah-furay Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka.

Madasha ayaa ku dhawaaqday laba boqol oo kun oo Doollar-ka Mareykanka ah oo ay ku taakuleynayaan dadka ay saameysay fatahaadaha ka dhashay Webbiga Shabelle.

Sidda ay shaacisay Dowladda Federaalka, in ka badan 60-kun oo ruux ayaa ku barakacay daadadka Webbiga, waxaana ku dhintay tobanaan ay ku jiraan mas'uuliyiin dowladeed.

Hay'addaha gargaarka maxaliga ah iyo kuwa caalamka ayaa waxay gargaar kawadaan magaalooyinka kala duwan ee ay fatahaaduhu ka dhaceen oo ku yaala bartamaha iyo koonfurta waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM