Shariif oo dhaleeceyn u jeediyey dowladda Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Farmaajo waxay mudada ay hogaanka dalka hayso ay horseedey jahwareer arrimaha dibadda, sidda uu ku eedeeyay Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in afartii sano ee lasoo dhaafay danaha waddanka laga horumariyey masaaliixda qaran kale "oo laga yaabo in ay xurguf kala dhaxeyso dalka la colaadinayo".

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta doorashooyinka 2020-21 ayaa ku baaqay in ahmiyada koowaad la siiyo ilaalinta midnimadda waddanka.

"Afartii sano ee lasoo dhaafay, dalkan wuxuu galay crisis [khalalaase] arrimaha dibadda oo laga baaqsan karay. Ma rabno in masaaliixda dadka Soomaaliyeed in ay ku milanto masaaliixda dalal kale oo laga yaabo in ayaga dhexdooda ay xurguf u dhaxeyso. Waxaan rabnaa in masaaliixda Soomaalida lagu ilaaliyo cilaaqaadka arrimaha dibadda lana xoojiyo dadka Soomaaliyeed midnimadooda wixii shalay loo burburay waxay ahayd cilaaqaadka arrimaha dibadda oo aan saxneyn iyo talaabadii ku aadaneyd oo ahayd in la qaado oo aan la qaadin," ayuu ka sheegay dhamaadka Madasha Aragti-wadaaga Heritage ee Garowe.
Khaladaadka diblumaasiyadeed ee ugu caansan ee dowladda Farmaajo gashay ayaa ah in ay dhinac xigsatay Khilaafka Khaliijka, wallow ay warbaahinta iyo caalamka u sheegtay in ay dhex-dhexaad ka tahay is-qabqabsiga.

Villa Soomaaliya ayaa la safatay Qadar oo Sacuudiga, Imaaraadka iyo wadamo kale u go'doomiyeen taageerida ururo argagixiso, wallow Dooxa oo maalgelisay ololihi Farmaajo ee 2017-kii ay ganafka ku dhufatay eedahaas.

Dhanka kale, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran ayaa carabka ku dhuftay in kheyraadka Soomaaliya aysan cid gaar ah daaha gedaashiisa ka musuqi karin, wuxuuna ka digay in shidaalka lagu soo saaro go'aan hal dhinac.

Dhismaha ciidamadda ayuu ku nuux-nuux-saday in xeerarka caalamiga ah ay dhigayaa in muhiim tahay in ay iska-dhex-arkaan bulshooyinka oo dhan.

Dhawaqaan ayaa kusoo hagaagaya xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in xukuumadda muddo xileedkeedu dhamaanayo ay dhinac gaar ah ka xulatay ciidamadii ugu dambeeyay ee lagu soo biiriyey xoogga difaaca waddanka.

Mucaaradka ayaa talaabadaas ku qeexay mid madaxweyne Farmaajo ku damacsan yahay in uu askarta ugu adeegsado dano siyaasadeed, talaabadaas oo ay ka digeen cawaaqib-xumo ay ka dhawaajiyeen in ay horseedi doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM