Shariif oo bogaadiyey guddiga isu keenista dowlada iyo maamuladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ahna gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, ayaa soo dhaweeyay magacaabida gudiga isu keenista madaxda dowlada iyo maamulada.

Guddigaan oo uu magacaabay afhayeenka Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ayaa ka kooban sagaal xubnood, waxaana mudda xileedkeedu ku dhamaanayaa marka laga heshiiyo arrimaha doorashadda soo aadan.

Fariin qoraal ah oo uu soo dhigay baraha bulshadda ayuu sidoo kale Shariif ku bogaadiyey shir laga yeesho arrimaha coddeynta 2020-21.

"Waxaan soo dhaweynayaa guddiga uu magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ee ka howlgali doona isku-keenista madaxda labada heer Dowladeed iyo qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hannaan raali ay isaga yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka," ayuu yiri.

Wadaxaajoodyadda ayaa lagu waddaa in ay dhacaan kahor 25-ka bishaan June oo ah maalmo kahor inta guddiga doorashooyinka hortagin xeer-dejinta.

"Waa tallaabo mudan dhiiragalin iyo garab istaag, maadaama guddoonka Aqalka Sare ay muujiyeen biseyl iyo inay ka go’antahay xal ka gaarista mashaakilka muddada dheer u dhaxeeyey Madaxda labada heer ee dalka oo kala ah Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah," ayuu hadalkiisa ku daray Shariif.

Iyaddoo maamuladda dalka qaarkood, xisbiyadda mucaaradka iyo dowladda Mareykanka ay soo dhaweeyeen dedaaladda Aqalka Sarre, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaanan wali ka jawaabin baaq Golaha Senate-ka.

"Waxaan ka rajeyneynaa in labada dhinac ay muujiyaan tanaasul iyo in laga fikiro mustaqbalka Soomaaliya oo wadahadal iyo isqancin oo kaliya guul lagu gaari karo," ayuu Sheekh Shariif kusoo gabagabeeyay fariin qoraaleedkiisa.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa la gelinayaa shaki "maadaama dowladda ku fashilantay fulinta halbeegyaddii lagu aadi lahaa coddeyntaas aadka muhiimka u ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM