Guddiga isu keenista madaxda DF iyo maamuladda oo la magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa magacaabay guddi qaban-qaabiya shir ay yeeshaan madaxda dowladda iyo maamuladda.

Magacaabida ayaa daba socota baaqii Guddiga joogtada ah ee Senate-ka oo ka dalbanayey dowladda iyo maamulada in ay shiraan kahor 25-ka June "si loo helo hanaan la isla ogol yahay oo doorashooyinka lagu galo".

Xubnaha guddiga uu Cabdi Xaashi magacaabay isla markaana uu isaga gudoomiyaha u yahay waxaa kamid ah; Senatorada Cabdiraxmaan Faroole, Cabdirisaaq Jurile, Cabdullaahi Fartaag iyo Cusmaan Maxamuud Dufle.

"Guddiga wuxuu xilka haynaa inta uu kasoo gabagaboobayo shirka wadatashiga ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka 2020-21," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraalka magacaabida oo Garowe Online uu arkay.

Maamul goboleedyadda, xisbiyadda mucaaradka iyo dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweeyay go'aanka Aqalka Sarre, balse waxaanan wali ka jawaabin Dowladda Federaalka, taas oo su'aallo ay ka keeneen siyaasiyiinta.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa horey ugu guuldareystay in ay miiska wadahadalka la fariisato madaxda maamuladda si heshiis looga gaaro arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka soo aadan.

Madaxtooyadda ayaa lagu eedeeyay in ay fashilisay shir uu UN-ka soo qaban-qaabiyey oo loogu gogol xaarayey wadahadalada mustaqbalka dhow markii Koonfur Galbeed uu diidey waqtigii iyo goobta loo muddeeyay.

Doorashooyinka ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa lagu adkeystay aysan dhici karin iyaddoo la cuskanayo "amni darro, diyaar-garow la'aan, halista iyo Al-Shabaab oo degaano haysta iyo dhaqaalo xumo".

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM