Shariif oo walaac ka muujiyey daahida doorashooyinka

Image
Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa cod dheer wuxuu ku baaqay in si deg-deg ah loo dhaqaajiyo doorashooyinka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa shir jaraa'id uu ku qabtey Muqdisho wuxuu sheegay in walwal ay ka muujinayaan daahida doorashooyinka waddanka.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa cod dheer wuxuu ku baaqay in si deg-deg ah loo dhaqaajiyo doorashooyinka isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiro coddeynta.

"Midowga musharaxiintu markii Ra’iisul-wasaaraha doorashada lagu wareejiyey waxay isku diyaariyeen doorasho, runtii aad iyo aad ayaan xunnahay in waqtigu sii dheeraanayo si habsami lehna aysan u socon doorashadu,arinta doorashooyinku waa lagama maarmaan la rabo inay waqtigooda ku dhacaan," ayuu ka dhawaajiyey.

Dhanka kale, Musharaxiinta oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socdey Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa kawada hadlay xaalada amniga iyo doorashooyinka si lamid ah masiirka howlgalka AMISOM.

Shalay, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa "faray Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayna soo gebogebeeyaan ugu dambeyn dhammaadka bisha December 2021".

Madaxweynaha Galmudug Ahmed Cabdi Kaarie ayaa daabacay liiska xubnaha Musharixiinta u tartami doona laba kursi oo ka harsanaa xubnaha Aqalka Sare baarlamaanka 11aad ku meteli doona maamul goboleedkaas.

Doorashadda xubnaha Galmudug uga haray xulista wakiiladda afarta sano ee soo aadan ku meteli doona Aqalka Sare baarlamaanka 11aad ayaa la dooranayaa 13-ka November, Sabtida todobaadka nagu soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM