Shariif Sheekh Axmed iyo safiirka Mareykanka oo wada hadalo yeeshay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo safiirka Mareykanka, Donald Yamamoto ayaa wada hadalo ku yeeshay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka labadda dhinac ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan siyaasadda iyo doorashooyinka soo aadan.

Safaaradda Mareykanka ayaa qoraal ay Twitter-ka ku baahisay ku shaacisay ay isla qaateen "inay waajib tahay in laga wada shaqeeyo mustaqbalka Soomaaliya". Ma carabaabin qodobo ay isla afgarteen.

"Safaaradda Mareykanka waxay ku dhiirogelineysaa in ay lasii wado iskaashiga u dhaxeeya dhamaan saamileyda si loo abuuro xaalado horseedaya doorashooyin xor ah, cadaalad ah oo waqtigeeda ku dhaca".

Shariif ayaa wuxuu haatan yahay hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix xisbi siyaasadeed oo u diiwaan-gishan Guddiga Doorashooyinka.

"Waxaan kaloo la wadaagnay in marna aanan raali ka ahayn dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda oo ay waajib tahay in doorasho la aado," ayuu Shariif kusoo qoray Facebook-ga

Doorashadda Soomaaliya ee soo aadan ayaa waxaa lagu wadaa in ay noqoto qof iyo cod ah, wallow aan lagu heshiin nidaamka.

Guddiga diyaarinaya Sharciga Doorashooyinka ayaa dhowaan soo jeediyey nidaamka Aqlabiyadda ama Horeeyaa Guuleysta. Baarlamaanka federaalka ayaa gaaraya go’aanka ugu dambeeya ee nidaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM