Shariif Xasan oo furay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka KG (Sawirro)

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan ayaa maanta ka furay magaalada Baydhabo kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka mamaulkaasi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka KG Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, labadiisa Ku xigeeno iyo Madaxweyne Shariif Xasan, ayaa ka soo qeyb galay Munaasabadda furitaanka ee Kalfadhiga 4-aad.

Cabdulqaadir oo marka hore khudbad jeediyay ayaa sheegay in uu furan yahay wixii ka dambeeyay 22-ka Oct Kalfadhiga 4-aad ee Gollaha, wuxuuna Xildhibaanada ugu baaqay inay soo xaadiraan kulamada.

Madaxweyne Shariif Xasan oo isna ka hadlay goobta ayaa kula dardaarmay Xildhibaanada inay laboo jibbaaraan shaqooyinkooda, maadaama ay kasoo laabteen hadda fasaxoodi dastuuriga ahaa.

Furitaanka kalfadhigan ayaa kusoo aadaya xilli uu ka socdo Muqdisho baabul xooggan, oo ay wadaan Siyaasiyiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed, oo ay kamid yihiin Wasiiro hore iyo Xildhibaano badan.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed waxay wadaan mooshin ka dhan ah Madaxweyne Shariif Xasan, balse la kulmaya cadaadis xooggan, iyo caburin iyagoo awoodi waayay in mooshinkaasi ay geeyaan Baydhabo.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in dowladda dhexe, gaar ahaan Villa Soomaaliya ay gadaal ka raaxayso Ololaha xilka looga qaadayo Madaxweyniyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM