​Shariif Xasan oo Kismayo ka dagay [Sawirro]

Image
Image

KISMAYO, Somaliya- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa galabta gaaray magaalada Kismay ee xarunta maamulka Jubbaland, xilli la filayo inuu dhawaan qabsoomo shir looga hadlayo arrimaha siyaasadda dalka iyo kala aragti duwanaanshaha u dhaxeeya xukuumadda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Wafdiga Shariif Xasan oo doonaya inay ka qayb galaan kulanka uu ku baaqay Axmed Madoobe ayaa soo dhaweyn diiran loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Kismayo, waxaana halkaas ku qaabilay Madaxweynaha Jubbaland, xubno katirsan golayaasha dowlad goboleedkaas.

Labada hogaamiye ayaa kulan gaaban ku qaatay magaalada Kismayo kaasoo muhiimadiisa ahayd soo dhaweyn iyo kala warqaadasho, waxaana la filayaan in kulamo dambe labada mas’uul yeeshaan.

Shariif ayaa hordhac u ah wufuud kale oo la filayo in barri  ka yimaadaan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Lama oga in dowladda dhexe cid ka imaan doonto xilli ay ka caga-jiidayso shirkaas.

Shalay go’aan kasoo baxay maamulka Jubbaland waxaa lagu sheegay in shirkaas qabsoomi doono, halka Puntland golaheeda Wasiirrada ay iyaguna cod buuxa ku taageereen oo ay tilmaameen inay ka qayb gali doonaan.

Madoobe ayaa gogoshan dhigay xilli dowladda dhexe lagu eedeeyay inay wado ajandayaal siyaasadeed oo lagu carqaladaynayo maamullada dalka, taasoo ay qayb ka tahay xilalkii laga qaaday Madaxdii Galmudug iyo HirShabeelle.

Amniga Kismayo ayaa aad loo adkeeyay, waxayna diyaar garow ugu jirtaa qabashada labada arrimood oo waaweyn kuwaasoo kala ah; Shirka Madaxda dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Somaliya iyo tartanka Cayaaraha Maamullada waddanka.

Sidoo kale magaalada Kismayo waxaa lagu sameeyay dib u qurxin gaar ahaan goobaha faras magaalaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM