Sheekh Cusmaan Xiddig oo ku geeriyoodey magaaladda Muqdisho

Image
Marxuumka ayaa waxa uu ahaa aqoonyahan iyo bare sare oo ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca.

MUQDISHO, Soomaaliya - Allaha u naxariistee waxaa xalay oo Jimco ahayd magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Cismaan Sheekh Cumar oo ku magac dheeraa Sheekh Cusmaan Xiddig. Wuxuu ahaa 82-sano jir.

Sheekh Cismaan Xiddig waxa uu ahaa aqoonyahan iyo bare sare oo ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca.

Muddo tobanaan sano ah waxa uu xarumo diineed ka waday magaalada Muqdisho iyo deegaanka uu ka soo jeedo ee Ceel-Dheer ee gobolka Galguduud.

Ehelada oo ka gaabsaday sababta uu u dhintay ayaa sheegay in lagu aasi doono degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Geerida marxuumka ayaa taabatay quluubta dad badan kuwaas oo fariimo ay soo dhigeen baraha bulshada tacsi ugu diray dhamaan qoyska, qaraabada iyo asxaabta Sheekha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM